Somali News

Golaha Aqalka sare BFS oo maanta Cod gelinaya Sharciga Doorashooyinka oo dood ka taagan.

Senatarada Golaha Aqalka sare BFS ayaa maanta fadhi ka leh u codeynta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal oo ay dood ka yeesheen fadhiyadii ugu dambeeyay ee ay ku yeesheen xaruntooda.

Sharcigaan Waxaa ka taagan dood ay ka qabaan Maamul Goboleedyada qaar sida Puntland iyo Jubbaland oo kahor yimid guud ahaan Hirdise-Sharciyeedka Doorashooyinka oo ay tilmaameen in aan laga talo gelin.

Dhinacyada dhaliilsan sharicga Doorashada waxaa kamid ah Haweenka ku jira Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo sheegay in aanu caddeyn qoondada ay ku leeyihiin Dowladda Federaalka ee ah 30%.

Senatarada qaarkood ayaa iyanna dhaliilsan Doorashada dalka oo la qorsheynayo ee ah afti dadweyne in lagu saleeyo awood qaybsiga beelaha 4.5-ta oo waqti dheer xilalka Dowladda lagu qaybsanayay.

Guddiga Dooashooyinka u qaabilsan Aqalka sare ayaa Golaha horgeeyay Sharcigaan, kadib markii Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka ku wareejiyeen si loo marsiiyo habraaca gudbinta Ajendaha Golaha la hordhigayo.

Labadii fadhi ee ugu dambeeyay oo Senatarada Golaha Aqalka sare ka yesheen Sharciga Doorashooyinka, waxa ay ku dul istaageen qaabka sharcigaan loo waafajin karo doorasho qof iyo cod ah.

Golaha Shacabka BFS ayaa sharciga Doorashooyinka Ansixiyay 28-kii December sanadkii tagay 2019, iyaga oo mariyay Aqrinta 1-aad, 2-aad iyo 3-aad iyo doodo ay ka yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Hadii Senatarada Golaha Aqalka sare ay meel-mariyaan sharcigaan, waxa uu u gudbi doonaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaana taagan su’aal ah, Golaha Aqalka sare oo Wakiilo ka ah Dowlad Goboleedyada, miyay ansixin doonaan Sharciga Doorashooyinka, xili Maamul Goboleedyada qaar ay dood ka qabaa sharcigaan?

Related posts

Dhagayso: Xubno katirsan Maamulka Ahlusunna oo kormeer ku maraya deegaano biyo la’aan ay ka jirto oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

admin

R/Wasaare Cumar ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahim

admin

Radshadihii ka aloosnaa Dalka Suudaan oo Cirka isku shareerar iyo Dowlada maraykanka oo

admin