Golaha Ammaanka Ee QM oo Kulan xasaasi ah ka yeeshay Xayiraadda Hubka Iyo Dhuxusha ee Saaran Somalia

0
President Barack Obama chairs a United Nations Security Council meeting at U.N. Headquarters in New York City, Sept. 24, 2009. (Official White House photo by Pete Souza)This official White House photograph is being made available only for publication by news organizations and/or for personal use printing by the subject(s) of the photograph. The photograph may not be manipulated in any way and may not be used in commercial or political materials, advertisements, emails, products, promotions that in any way suggests approval or endorsement of the President, the First Family, or the White House.

11 ka mid ah 15-ka Waddan ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa isku raaciyey in ilaa bisha November ee sannadka soo socda ee 2018-ka lagu kordhiyo Go’aankii lagu qafiifiyey Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalka Somalia.

Qaraarkaasi waxaa ka maqnaa Wakiiladda 4-ta Waddan ee kala ah: Britain, Raashiya, Shiinaha, Masar iyo Boliifiya.

 

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay ka codsadeen Kooxda QM ee Kormeerka Cunaqabataynta saaran dalalka Somalia iyo Eriteria (SEMG) inay baaraan Shixnadaha Kiimikadda ee loo soo dhoofiyo Somalia, kuwaasi oo laga yaabo  in loo adeegsado Farsamaynta Qaraxyadda loo yaqaano I.E.D., waa sida l;agu xusay Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM.

Goluhu waxay si gaar ah u tilmaameen Kiimikooyinka ay Kooxdaasi baari doonaan kala yihiin:AMOONIYAN NITARATE, BOTAASIYUM KOLARAAT IYO SOODIYAM KOLARAAT.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay xilli-kordhin hal sanno ah ugu dareen Kooxda QM ee Kormeerka Cunaqabataynta saaran dalalka Somalia iyo Eriteria (SEMG), kuwaasi oo hawshooda ku ekaan doonto ilaa bisha December 15-da ee sannadka soo socda 22 2018-ka.