Animation

Gen Darwiish iyo Cabdirashiid Janan oo Xarun Cusub ka furay….

no responses
Saturday November 21, 2015 - 5:36 under Somali News by admin
mqdefault

Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa maanta laga dhagax dhigay xarun cusub oo boolis, taasi oo wax weyn ka tareysa howlaha xoogan ee booliska.

Munaasabada dhagax dhiga xaruntaasi Boolis ayaa waxaa ka qeyb galay madax badan oo ka tirsan Jubbaland,kuwaasi oo ay ku jireen:  Madaxweyne kuxigeen ka labaad ee Jubbaland Abdiqaadir Lugadheere, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Gen, Darwiish, Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha iyo ammaanka Abdirashiid Janaan, Wasiir Macalin Maxamed  iyo guddoomiyaha gobolka Jubbada dhexe Abdirashiid Jirde.

Sidoo kale dadweyne kala duwan ayaa ka qeybgalay dhagax dhigaasi, waxaana ay ku tilmaameen horumar dhinaca ammaan ka ah loo qaaday, iyagoona ku dhiirigeliyey madaxda inay howshaasi sii wadaan.

Kismaayo ayaa waxaa ka socda horumar dhinaca xarumaha maamulka oo dib loo furayo kuwii horey u dhisnaa iyo kuwa cusub oo la dhisayo, maadaama baahideeda ay muuqato.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA DHAGAX DHIGAASI:

kiskis2kis3kis4kis5kis6kis7kis8kis9