Breaking News Somali News Top News

GEESI SOO BAXAY: Ahmed Madoobe oo la soo baxay waddaniyad muuqata.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Ahmed Madoobe oo maanta hadal qiimo badan ka jeediyey shirka Somaalida uga furmay magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu noqday hoggaamiye baddelay quluubta Soomaali badan, islamarkaana abuuray niyad sami Soomaaliyeed.

Ahmed Madoobe, oo ka duwan madaxda Soomaalida ee kale marka laga hadlayo masiirka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu shirkasta oo uu ka qeybgalo reebaa haddalo taariikhda u gala, kuwaasi oo hiil u ah qaranimada Soomaaliyeed ee la raadinayo in ka badan 25 sano.

Waxaa uu maanta si cad u amray in madasha shirka ka socdo laga saaro dhammaan calamada maamul goboleedyadda, balse meesha laga taago calanka QARANKA SOOMAALIYEED oo kaliya. Taasi oo muujineysa wadaniyad aan looga baran madaxda Soomaalida.

“Waxaan farayaa howladeenada inay madasha ka saaraan calamada maamul goboleedyada, maxaa yeelay meeshan shirar maamul goboleed uma fadhino, ee waxaan u fadhinaa aayaha ummadda Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waa in calanka qaranka Soomaaliya oo kaliya meesha la suro” ayuu yiri Ahmed Madoobe. 

Markii uu intaasi afkiisa soo dhaaftay ayaa waxaa is qabsaday sawaxan iyo farxad laga wada dareemay madaxda iyo shacabka madasha fadhiyey, waxaana durba madasha oo dhan  laga nadiifiyey waxkasta oo calaamad u noqon kara maamul goboleed, iyaddoona sare loo wada qaaday calaamada calanka qaranka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, shirka Kismaayo dhaqaalaha ku baxaya waa mid ay bixineyso Jubbaland, taasi oo looga maarmay gacan shisheeye iyo in wax la weydiisto, iyaddoona sidoo kale madasha laga dhowray wax faragelin shisheeye ah. Waa astaan kale oo Ahmed iyo Maamulkiisa uga duwan yihiin shirarkii kale ee Soomaalida looga hadlayey arrimahooda.

 

XASUUSIN:

Ahmed Madoobe, shirkii kan Kismaayo ka horeeyey ee ka dhacay Muqdisho waxaa lagu xasuustaa inuu si cad uga horyimid ku khudbeynta luqad aan tan Soomaaliyeed aheyn, isagoona markii hadalka la siiyey sheegay inay ayaandarro tahay shir aayaha Soomaaliyeed looga hadlayo oo aan luqada dalka looga hadleen, balse madaxda ay kuwada hadlayaan ENGLISH!!.

“Waxaan codsan lahaa shirkan Soomaali ayaa iska leh, waxaana uu ka dhacayaa Muqdisho oo ah caasimadii dalka, warbaahin ajanabi ah ma joogto, marka in dhowr qof oo ajanabi ah darteed in aan luqadeena uga tagno waa qalad, ee fadlan aan kuwada hadalno afka Soomaaliga” ayuu yiri Ahmed Madoobe.

Sidoo kale, shirkii ka dhacay Garowe, oo ay kawada qeybgaleen madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda Dowlada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa uu Ahmed Madoobe ka yaabay xilalka loogu wada yeerayo raga uu ku jiro ee madaxda ka ah maamul goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya, isagoona sheegay inaysan macquul aheyn inay dadkuba wada qaataan “Madaxweyne”.

” Madaxweynayaal in aad inoogu yeertaan rageena maamul goboleedyada madaxda ah, haddana Madaxweynaha QARANKA  isagana loogu yeero isla magacaasi, ma ahan wax soconaya, ee waa in annaga magaca nalaga baddelo ama madaxweynaha qaranka magac kale loo raadiyo, si loo muujiyo kala sareynta xilka dowlada dhexe iyo tan gobollada”. Ayuu yiri Ahmed Madoobe.

Intaasi oo hadallo ah iyo tusaalayaal danta qaranka oo guud ah waxaa uu Ahmed Madoobe ku noqday hoggaamiye ka soocan madaxda kale ee shirarka kala qeybgasha, kuwaasi oo bilow iyo dhamaad hadalkooda ku dhameysta wixii iyaga dan u ah ama wixii ay u arkaan sadbursi.

Ma ihi siyaasi, mana ihi nin ku jira maamulka Ahmed Madoobe, waxaanse ahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay saameeyeen saddexdaasi hadal ee uu Ahmed Madoobe ka jeediyey saddex madal oo kala duwan. Waxaana ay taasi uu muujisay in qofkasta meelkasta oo aad ku dhaliishan tahay inuu haddana  jiri karo wax badan oo aad ku taageeri karto, waxaana taageero ugu mudan dhanka qaranimada qofka u hiilinaya.

“Ahmed Madoobe, waa hoggaamiye hadalkiisa ugu hiiliya qaranimada, waxa laga sii fishana ay tahay in ficilkiisu ku xigo qaranimo dib loo dhiso” , hadalkaasi waa dhamaadka qormadeydan yar ee aan is xasuusinta ugu magacdaray.

W/Q . Abdiweli Ibrahim Garyare
Agaasimaha ahna milkiilaha Radio VOS
Email: vosnews1@gmail.com
Amsterdam, Netherlands.

Related posts

XASAASI: Arsenal Oo Lumineysa Mid Kamid Ah Xiddigaheeda Laf Dhabarta Ah (Tolow Waa Kee???)

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Shirkii dowladda dhexe iyo dowlad goboledyada oo baaqday

admin

War Cusub: Dhageyso Faah faahin laga helaayo Madaafic xalay ku dhacday Guriga Guddoomiyaha Dagmada….

Tifaftiraha K24