GEDO: Maamulka Gobolka Gedo Oo Sheegay in Kenya ay Burisay Heshiis ay la Galeen.

0

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxamed Maxamed ayaa sheegay in Kenya ay ka baxday heshiiska isku gooshidda Magaalooyinka Mandheera iyo Baladxaawo oo todobaadkii tagay ay kala saxiixdeen.

Waxyaabaha heshiiskaas uu dhigayay ayuu ku sheegay in ay kamid ahaayeen in aanan Kenya kusoo xadgudbin Shacabka Baladxaawo, si lamid ahna dadka Baladxaawo aanan ku gardaroon dadka Mandheera.

Gudoomiye Maxamed ayaa sheegay in Kenya ay dib usoo celisay damaceedii ahaa in Magaalada Baladxaawo ay mariso Darbiga ay dhisaneyso, hadii qorshahaasi uu u hirgalo waxa uu tibaaxay in Magaalada inta badan ay gudaha u gali doonto Kenya.

Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baladxaawo waxa uu ka dalbaday in ay isku howlaan sidii Kenya ay kaga hor istaagi lahaayeen dhismaha ay dooneyso in ay Magaalada Mariso.

“Madaxda Kenya waxa ay ka mideysan yihiin dhismaha darbiga, waa in aynu qaadanaa qorshe lamid ah kaa, Magaalada Baladxaawo hadii Darbiga dhismihiisa la mariyo, Magaaladaasi waxa ay raaci doontaa ama gudaha ay u gali doontaa Kenya” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay Ciidamo geysay Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, dhacdana Soohdinta labada dal ay wadaagaan, ujeedka Ciidankaas ayaa ah in ay ilaalo ka qabtaan injineerada dhisayo darbiga Kenya ay marineyso Magaalada.

Dowladda Kenya kama hadasho Dhacdooyinka la xiriira Dhismaha Darbiga kenya iyo Xiisadaha ka dhasha, waxa ayna bilawga dhismaha ay sheegtay in ay ugu tala gashay ku yareynta Weerarada Al-Shabaab ay geysanayaan sida ay hadalka u dhigtay.