Animation

Garoonka diyaaradaha ugu weyn Afrika oo laga dhisayo mid ka mid ah caasimadaha bariga africa

no responses
Friday November 6, 2015 - 6:16 under Somali News by admin
mqdefault

orshe lagu dhisayo garoonka diyaaradaha ugu weyn Afrika ayaa soo wajahaya lacag yaraan inkastoo weli aysan ka muuqan in uu gaabis ku yimid dhismihiisa.

Garoonkan oo ku baxaya lacag dhan 4 bilyan oo dollar sanad walbana ay isticmaali karaan 120 malyan oo rakaab ah ayaa laga dhisayaa magaalada Addis.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in halis loogu jiro in garoonka diyaaradaha qarashkii ku bixi lahaa uu dib u dhac ku yimaado iyadoo saameyn ku yeelanayo hoos u dhac ku imanaya sarrifka lacagaha qalaad ee dalka Ethiopia.

Qorshaha garoonkan ayaa ka dhigaya kan Afrika ugu weyn xitaa waxa uu ka weyn yahay garoonka caalamiga ah ee ku yaal magaalada London ee Heathrow kaasoo sanad walba ay isticmaaleen rakaab gaaraya 73.4 malyan sanadkii hore waxana uu awoodaa in sagaashan malyan sanadkii ay isticmaalaan.

Garoonka diyaaradaha ee ugu mashquulsan Afrika ayaa ah O.R Tambo International Airport taasoo ku taal meel u dhow Johannesburg wadanka Koofur Afrika waxaana sanadkii hore ka dhoofay amaba ka soo degey rakaab gaaraya 18 malyan oo ruux waxaana haatan ku socda ballaarin la doonayo in uu gaaro sanadkii dadka isticmaala 28 malyan oo ruux.

Mashruuca dhismaha ee garoonkan ayaa ka mid ah mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo dalka Ethiopia iyadoo uu noqonay kan labaad ee lacagta ugu badan ay ku baxayso waxaase ka badan oo kaliya dhinaca dhaqaalaha biyo xireenka muranka uu ka dhashay ee wabiga Nile laga hirgelinayo kaasoo ku baxaysa lacag dhan $4.8 billion.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle