Somali News

Ganacsiga suuqa ugu weyn soomalia ee bakaaraha oo saakay dib u xirmay ( Ogoow Sababta?)

Ganacsiga suuqa bakaaraha saakay dib ayuu u xirmay waxaana suuqa gaaf wareegaya guddi ganacsato ah oo goobaha ganacsiga ku wargalinaya in ay xiraan oo ay midnimo muujiyaan.

Shalay ayaa inta badan goobaha ganacsiga suuqa bakaaraha dib loo furay balse saakay suuqa gabi ahaan waa uu xiranyahay marka laga reebo xarumo ganacsi oo farakutiris ah.

Weli lama xalin cabsshada ganacsatada waxaana muuqata in wasaaradda maaliyadda ay ku adkeysaneyso in ganacsatadu ay bixiyaan canshuuraha iibka .

Dhowr jeer ayey ganacsatadu la kulmeen wasiirka maaliyadda balse waalagu kala tagay sidoo kale ganacsatadu waxa ay la kulmeen ra’isul wasaaraha iyo guddoomiyaha gobolka banaadir waxaana labaduba ay u sheegeen in ay waajib tahay bixinta canshuuraha dalka.

Related posts

Daawo: Ciidamdii ugu horeeyay ee ka socda dalka turkiga oo muqdisho soo gaaray iyo howsha ay qabanayan oo la ogaaday

Tifaftiraha K24

Rag ka Tirsan Al-shabaab oo Nolosha lagu qabtay Iyo Maamulka koofur galbeed oo ka hadlay

Sakariye Sakariye

Akhriso: Goormee la qabanaya imtixaanaadka mideysan ee dowladda ay qaadeyso maxaase war ah oo kusoo kordhay?

Tifaftiraha K24