Breaking News Somali News Top News

Ganacsade Cabduqaadir Qarmaashe oo u sharraxan baarlamaanka Somalia

Iyadoo Xusul duub weyn loogu jiro helitaanka kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee sanadkan 2016 ayaa Mudane. Abdiqaadir Abdi Diini (Qaarmaashe) oo ka mid ah dadka doonaya inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee bedelaya kan hadda shaqeeya waxaana uu sheegey sababaha ku kallifay in waqtigan xaadirka ah uu u soo istaago inuu qabto jago Xildhibaanimo ,isagoona Shaaca ka Qaaday   in ay kula habboonaatay in waqtigan wixii ka dambeeya uu qibradiisa uga faa’iideeyo Dalkiisa iyo Dadkiisa.

“Haddii aad ii Xulataan inaan wakiil idinkaga noqdo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan laban laabi doonaa waxqabadkaygii hore, waxaana aan idiin ballan qaadaya inaan wax badan ka qaban doono baahiyiinna kala duwan ee aasaaska u ah nolosha dadka iyo deegaanka “sidaa Waxaa yiri Musharax Cabduqaadir Cabdi Diini Qarmaashe

Musharax Cabduqaadir Cabdi Diini Qarmaashe wuxuu ballan qaaaday haddii uu EEBBE idmo oo uu ku guulaysto jagada Xildhibaannimo inuu noqon doono xildhibaan dalka iyo diintaba u shaqeeya wax badanna ka beddeli doona Siyaasada Dalka Soomaaliya gaar ahaan Amaanka,, Dhaqaalaha,Garsoorka iyo adeegyada kale ee Bulshadda Soomaaliyeed Sidaa Darteed bal aan dib u Milicsano Taariikhdiisa Shaqo iyo Waxbarasho

Musharax Qarmaashe wuxuu ka mid ahaa ka qayb-galayaashii Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay dalka Kenya gaar ahaan Magaalooyinka Eldoret iyo Mbagathi Nairobi Musharax Qarmaashe wuxuu leeyahay Qibrado fara badan oo xagga ganacsiga, Siyaasadda, iyo isagoo ku soo noolaa muddo ka badan 25 sano dalal badan Musharax Cabduqaadir Cabdi Diini (Qarmaashe) waayadan wuxuu ahaa Guudoomiye Ku xigeynka midowga Ardayda somaliyed wax ka barata Dalka Kenya

Related posts

Degdeg: Al-Shabaab oo lawareegay gacan ku haynta Tuulada Garileey ee Gobolka Gedo.

admin

Shacabka Garbahaareey Ayaa Codsaday in Maamulka Jubaland ay ka Daayaan Faragalinta

admin

TOP NEWS: Xoghayaha NUSOJ Macalimow oo ka tacasiyeeyay geerida Weriye Sagal Salaad Cusmaan oo Muqdisho lagu dilay

Tifaftiraha K24