Animation

Ganacsade caan ah oo lagu dilay Magaalada Kismaayo

no responses
Friday November 13, 2015 - 10:54 under Somali News by admin
mqdefault

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nin Ganacsade ahaa kaasoo si weyn looga yaqaan Magaalada.

Ganacsadaha la dilay rabi ha u naxariistee waxaa lagu magacaabi jirey Cali Nuur Shariif (Cali Baangaal) waxaana warar kala duwan ka soo baxaya cida dilkaasi ka danbeyso .

Wararka qaar waxay sheegayaan in ciidamada Axmed Madoobe si bareer ah dileen marxuumka  halka warar iyaga dhankooda laga helay ay sheegayaan inuu dilkaasi si kam’a ah uu ku dhacay.

Maaha markii ugu horeysay oo dil Kismaayo loogu geysto ruux ganacsade ah ,siyaasi,culumaa’udiin ama shacab iska caadi ah ,hore ayay u dhaceen dilal ceynkaan oo kale ah.

Wixii wararar dheeraad ah ee ka soo kordha dilkaan wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan insha Alaah.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle