Animation

Galmudug oo maanta soo bandhigtay booliskii ugu farha badnaad Gobolada dhexe Soomaliya wixii ka danbeyay burburkii dowladii dhexe

no responses
Sunday October 9, 2016 - 12:05 under Somali News by admin
mqdefault

Madaxweynaha Galmudug  iyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa manta tababar u sooxiray ciidamo katirsan booliska Galmudug.

Munaasabadani ayaa aheed mid tababar loogu sooxiray ciidamo katirsan booliska Galmudug  oo mudo 3 bilood iyo 10 cisho ah tababar uga socday magaalada cadaado ee caasimada ku meelgaarka ah ee Galmudug, ciidankan manta tababarka ka  soobaxay ayaa tiro ahaan garayaya 400 oo askari.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed , Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi ,Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ,Taliyaha ciidanka booliska Soomaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sh . Xasan Xaamud  xubnokatirsan labada gole ee dowlada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ciidamada tababarka loo soo xirayo ayaa waxaa ay soo bandhi geen waxyaabihii ay barteen intii ay kujireen tababarka ayadoona dadkii ka qeybgalay ay la dheceen habka ay isula jaan qaadayaan gaada kaciyaarkii ciidanku sameynayay ,ciidankaan ayaa isugu jira rag iyo dumar  muuqaalka ciidanka ayaa ahay mid aad u quruxbadnaa .

Ugu horeeyn waxaa meesha ka hadlay taliyashi ciidankan tabarka u qabtay waxa ayna ka shee keeyeen xaaladaha kala duwan oo uu soomaray ciidankan mudadii ay kujireen dhiboowga balse ay la soo daalaa dheceen maantana ay joogaan guul.

Taliyaha ciidanka booliska soomaliyeed sareeye gaas maxameed sh. Xasan xaamud ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in ay manta ka soo qeybgalaan munasabadaan aadka u xiisabadan waxa uu sheegay in ciidankaan abaabulkiisa ay ugaleen dadaal xoogan ayna ku guuleysteen loona bahanyahay in ciidankaan gacanta lagu dhigo lana daryeelo si ay u gutaan howla hooda shaqo mudane madaxweyne waxaan rabaa in aan kuu sheego in aan markasata garabtaganahay ciidanka booliska Galmudug dowlada Galmudug iyo ganacsatadana ree Galmudugna waxaa laga donayo in ay tageeraan ciidaqn kaan booliska Galmudug si howl hufan u qabtaan ciidankaan madaama ay yihiin muraayadii dalka.

Ugu danbeeyntii muanasabada ayaa  waxaa soo xiray madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed asigoo sheegay in ay manta farxad gooni ah u tahay Dowladiisa Galmudug madaama ciidan boolis ah oo tairadiisu tahay 400 maanta babar loo sooxirayo waxaan markasata isku dayeeynaa in aan hanano ciidankaan aadka u qiimahabadan , aana rumeysanahay in ay ku soo aadeen xili baahiweyn looqabo madaama ay jirto doorshooyin loona bahaanaan in ciidan aad u dhisan qiimo fiicana leh waxaan rabaaa in aad ogataan in aad ku guuleysataan difaaca deegaanka iyo dhowrista aminga shacabka Galmudug manta wixii kadanbeya waxaa la idinka doonayaa in aad utaagnaa taan howlaha amnig sida garoomada dekedaha wadooyinka iyo badbada shacabka.

Waxaan rabaa in aan mahad celin ujeediyo taliyaha ciidanka booliska soomaliyeed sareye gaas xaamud oo juhdi kubixayay in ciidankaan latabbaro sidaana loo qurxiyo taliye20161009_09404820161009_10060920161009_09334120161009_09380020161009_092247-copy-220161009_09111820161009_091417-copy20161009_09090820161009_09104820161009_10163920161009_10183820161009_101627020161009_092259

20161009_092247-copy