Xalay ilaa Maanta waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Gobolka Galgaduud ka socda Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulka Ahlusunna Waljamaaca iyo kuwo uu wato Sargaal Dowladda Soomaaliya ka Falaagoobay oo la yiraado Liibaan Madaxweyne.
Dagaalka oo wali Magaalada ka soconaya ayaa la sheegay in Ciidamada Maamulka Galmudug ay ku biireen Dagaalka islamarkaana ay qeybo kamid ah Magaalada ka Dagaalamayaan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dagaalka ka socda Dhuusamareeb ay qeyb ka yihiin.
Dhanka kale Sheekh Saadaq Sheekh Yuusuf Direed oo ka tirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ayaa la sheegay inuu Amar ku bixiyay in la dilo Sargaalka lagu Magacaabo Liibaan Madaxweyne ee Dagaalka la galay Ahlusunna.
Dagaalka Khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray Labada Dhinac iyo Dadka Rayidka ah ayaan wali la sheegin,iyadoo Magaalada ay ka socoto Rasaas Goos goos ah.
Galmudug wali kama hadlin wararka sheegaya in ay ku biireen Dagaalka Magaalada Dhuusamareeb waxa ka jira.