Galmudug Oo Khlilaafka ka dhexjira ku Eedeysay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

0

Xili uu sii kordhayo khilaafka ka dhexjira madaxda sare ee Maamulka Galmudug, ayna mas’uuliyiinta qaarkood eedeyn iyo cambaareyn hawada isku marinayaa ayaa hadana waxaa ay khilaafka ka dhexjira ku eedeynayaan Dawladda Dhexe ee soomaaliya.

Sheekh maxmed Shaakir Cali Xasan  Madaxa Xukuumadda  Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa war saxaafadeed ka soo saaray go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka soo saartay khilaafka ka dhextaagan madaxda Maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo gaara iyo Madaxweynaha Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhexjiro ismarin waa siyaasadeed kaasi oo ka dhashay Heshiiskii la la galay Ahlu-sunna iyo sida wax loo qeybsaday.

Halkaan, ka Akhriso: