Galmudug oo kabiyadiidsan Shirka Garoowe ka socda.

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal oo Warbaahinta lahadlay ayaa ka hadlay sababta maamulkaasi uu uga baaqday shirka guddoonka Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka furmay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Guddoomiye Casir ayaa sheegay in shirkaasi markii hore uu guddoonka BFS ku casuumay, balse ay heleen warqad ka socota Puntland oo looga reebayo shirka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa xusay in xilligan ay Puntland soo fageyso boogo la daweeyay oo u dhexeeyay hoggaanka maamullada.

Waxaana uu ugu baaqay maamulka cusub ee Garowe in ay ka waan toobaan tallaabooyinka nuucaas ah.

Dhinaca kale Cali Gacal Casir ayaa cod dheer ku sheegay in aysan aqoonsan doonin qodobada ka soo baxa shirkaasi, maadaama aan loo dhameyn.

Shir u dhexeeyay guddoonka BFS iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa shalay ka furmay magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaana shirkaasi looga arrinsanayaa wada shaqeynta Baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka.