Somali News

Gabar 34-sano jir ah oo noqotay Ra’isul Wasaaraha Dunida ugu yar

Hogaaminta siyaasada wadamada Caalaamka ayaa xiligan u muuqata mid ay la wareegaayaan dhalinyaro da’dooda ka yartahay 40-sano ,halka markii hore ay siyaasada hogaamin jireen dad da’ ah.

Sanna Marin oo 34 jir ah ayaa loo doortay in ay noqoto ra’isal wasaaraha cusub ee dalka Finland, waxaana gabadhan loo aqoonsaday Ra’isul Wasaaraha ugu da’da yar ee dunida xiligan.

Gabadhan oo horey u aheyd Wasiirka gaadiidka ee Finland ayaa loo doortay in ay noqoto Ra’iul Wasaaraha dalka Finland kadib markii uu is casilay Raisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Antti Rinne.

Sanna Marin ayaa hogaamin doontaa xukuumad wadaag ah, siyaasadeedu bidix dhexe tahay oo ka kooban shan xisbi, waxaana xusid mudan in shantan xisbi ay dhamaan hogaamiyaan Dumar.

Ra’isal wasaaraha dunida ugu yar ayaa horey waxaa u ahaa Ra’isul Wasaaraha dalka  Ukraine, Oleksiy Honcharuk, oo  35 jir, waxaana hada la wareegeysa Ra’isul Wasaaraha ugu yar Dunida Sanna Marin.

Related posts

Arday Soomaliyeed oo Deeq Waxbarasho ka heshay Dalka Masar oo maanta Muqdisho ka dhooftay+Sawirro

admin

Warbixin: Lix magaalo ayaa soomaalida naxashka saari doonta 2030.

admin

Akhriso: Arin Naxdinteeda Leh oo Gobalka Mudug Laga Soo Sheegayo (Tolow Maxay Tahay???)

Tifaftiraha K24