Gabadh u dhalatay Jarmalka oo u shaqeyneysay Laanqeyrta cas oo Muqdisho lagu afduubtay

0

Gabadh u dhalatay Dalka Jarmalka oo u shaqeyneysay Laanqayrta Cas ayaa lagu afduubtay Magaallada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya.

Gabadha oo aheyd kalkaaliso caafimaad ayaa dableey hubeysan ay ka afduubteen xarunta hey’adda laanqeyrta cas ee muqdisho ku taala .

Lama oga kooxda gabadha ajnabiga ah afduubtay iyo halka ay la’aadeen waxaana falkaan aad u cambaareeysay hey’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah oo magaceeda loo soo gaabiyo ICRC.

Afhayeen u hadlay hay’adda Laanqayrta Cas ayaa sheegtay in uu aad ooga walaacsan yahay ammaanka gabadha ay shaqaalaha ka tirsanayd.

Wuxuu sheegay in ay maalin walba ku dadaalaysay in ay badbaadiso nolosha dadka Soomaaliyeed ee ugu nugul.

Howlgal lagu baad goobaayo haweeneyda la qafaashay ayaa ka socda magaallada muqdisho waxaana la xiray xalay dhamaan koontaroollada magaallada laga soo galo loogana baxo iyadoona ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen gaarigii gabadha shaqaalaha aheyd lagu afduubtay kaasi oo laga helay dagmada hodan xaafad ka tirsan.