Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Gaari ay lasocdeen dad shacab ah oo la rasaaseeyay iyo xiisad colaad oo ka taagan gobolka Mudug.

Maleeshiyo hubeysan oo gaaraya ilaa 4 ruux ayaa rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah iyadoona raasaastaas ay geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ah ayaa ah nooca looyaqaano Probox(Barobokis) waxayna ka yimaadeen deegaanka Gelinsoor iyagoona kusii jeeday degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Rasaasta lagu furay gaariga waxaa ku geeriyooday hal ruux halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen,waxaana la sheegay in maleeshiyaadka falkaasi geystay ay goobta ka baxsadeen.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ku raad joogaan maleeshiyaadka ka dambeeyey gaariga la rasaaseeyey,isla markaana ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan.

Dhinaca kale waxaa xiisad xoogan ka taagantahay degmooyinka Towfiiq iyo Afbarwaaqo iyadoona shacabka degmooyinkaas ka cabsi qabaan in israsaaseyn amaba jid gal gaadiid ka dhoco halkaas walina majiro nabadoono kahadlay xiisadaha dagaal ee ka taagan degmooyin katirsan gobolka Mudug.

 

Related posts

Update: Kursigii ugu Adkaay Aqalka Hoose ee Hirshabeele oo maanta Jowhar lagu doortay Yaase ku guuleestay???

Tifaftiraha K24

Ciidamada Dowladda Oo Alshabaab kala wareegay deegaan muhiim u ahaay oo ay ka….

admin

Sawirro:-Qarax ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino dheeri ah oo laga helayo

admin