Somali News Top News

Gaalkacyo:-Madaxweyne Gaas Oo Xalay Kormeer ku tagay qeybo katirsan Gaalkacyo

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay kormeer shaqo ku tegey qaybo kamid ah magaalada Gaalkacayo.

Kormeerka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Dr Cabdiweli Gaas ayaa ugu horayn ka qayb galay bandhigga mashruuca garoonka Cawaalle Liibaan oo si iskaa wax u qabso ah looga hirgelin doono magaalada Gaalkacyo, kaas oo noqon doona sida qorshuhu yahay garoon cagaaran oo loo dhisi doono mid lamida garoomada waa weyn ee caalamka ka jira.

Guddiga loo igmaday dhismaha garoonka ayaa soo bandhigay qaab dhismeed uu yeelan doono garoonku, waxaana ay iyana soo bandhigeen sida ugu sahlan ee looga qayb-qaadan karo hirgelinta dhismaha garoonka Cawaalle Liibaan, Madaxweynaha Puntland oo ka jawaabay qaaraanka Maamulka loo asteeyey ayaa sheegay in ay bixinayaan isla wakhtigaasi lagu gudajirey madasha bandhigga dhismaha garoonka Cawaale Liibaan.

“Waxaad kasoo qaadaan lacagta qaaraanka ah ee aad nagu qorateen inay jeebkiina ku jirto hadda, waxaan rabnaa inuu mashruucani sida ugu wanaagsan u hirgalo, noqdo mid socda oo gobolada oo dhan gaara, waxaan rabaa qaybaha kala duwan ee bulshada inaan ku booriyo inay iyana ka qayb qaataan dhismaha garoonka gaar ahaan qurba joogta, ganacsatada iyo bulshada rayid ka ahba ee dhammaantood qaybta ka ah ka qayb-qaata yaasha dhismaha garoonka” ayuu yiri Dr Cabdiweli.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dhismaha goobta lagu soo bandhigayey qaab dhismeedka garoonka Cawaale, waxaana uu sheegay in ay hirgelisey mashruucani hay’adda SSF [ Somali Stability Fund ], isla markaana waxa uu xusay in mashruucani Puntland wax badan kaga faa’iidaysatay kaabidda adeegyada bulshada, sida dhismayaasha saldhigyada, maxkamaddaha, ceel biyoodyo, layrar-ka cadceedda ku shaqeeya [solar system] iyo garoon kani cagaaran oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Gaalkacayo.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku booriyey shacabka Puntland inay ku dhiiradaan wax wada qabsiga, iskaashiga, hal abuurka, horumarka, nabadaynta iyo xasilinta dalkooda, isla markaana aanay ka daalin isku tashiga ay ku horumarsadeen dhulkooda.

Ugu danbayn, Dr. Cabdiweli Maxamd Cali Gaas ayaa intaasi kadib kulan casho sharaf ah laqaatay waxgarad, aqoon-yahano, siyaasiyiin, isimo, culuma-awdiin, nabadoono iyo waxgarad kale, waxaana casha sharafta oo lagu marti qaaday Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kale ee wehlinayseyba ayaa ka dhacday guriga maamo Xaawo Aadan ee magaalada Gaalkacayo.

Related posts

Xog lama filaan ah oo kasoo baxeysa Waxyaabihii saarnaa gaarigii loo adeegsaday qaraxii Zoobe

admin

AKHRISO: Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia oo Saraakiil u Magacaabay xilal cusub.

admin

War Hada Dhageyso: Wasiir Odowaa” Beledweyne waxaan u joogna in aan dhageysano Cabashada qabaan Bulshada laba Gobol

admin