Somali News

Furriinkii Ugu Dhakhsiyaha Badnaa 2019.. Waxaa La Kala Tagay Markii La Isqabay 3 Daqiiqo oo Qura (Muuqaal)

Haweenay carbeed ayaa waxey codsatay furriin saddex daqiiqo un kadib markii la meheriyay, dhacdo cid kasta oo goobjoog ahayd af kala qaad iyo yaab ku noqotay.

Sida ay qortay jariidada emaratalyoum, gabadhan reer Kuwayt ayaa simbirixatay markii ay maxkamadda ka soo baxday, ninkeedii ayaa ku jeesjeesay, waxaanuu ku tilmaamay, doqon yahay maxaad u kufaysaa.

Isla markiiba maxkamaddii ayey dib ugu noqotay oo ay u sheegtay in la furo, waa inta aanuu Garsoorihii fadhigiisa ka kicin.

Haweenaydan ayaa aad u careysneyd kadib markii uu ninkeedu ku jees jeesay.

Baraha bulshada ayaa aad looga taageeray haweenaydan oo dadka qaar ay tilmaameen in iyadoo aan maxkamaddii laga dhammaan uu durbaba niyad jabin iyo hadal xun ku bilaabay, hadhow markii guriga la wada aado oo nolol cusub la bilaabo waxa uu sameyn karo ayaa ka weyn, sidaa darteed; haweenayda waxey ku taageereen go’aanka ay qaadatay, maadama guur aan ixtiraam lahayn uu yahay mid fashilan bilowgiisa horaba.

Warbaahinta maxalliga ah ee gudaha Kuwait ayaa qaarkood ay sheegeen in garsoorihii uu guurka soo gabagabeeyay lslamarkiiba, kadib markii ay haweenaydu ku adkeysatay go’aankeeda, iyadoo dhacdadani ay noqoneyso furriinkii ugu dhakhsiyaha badnaa 2019.

xigasho goobjoog

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Dowlada Sacuudiga oo ku dhawaaqday Go’aan Qatar weyn ku ah Ganacsatada Soomaliyed ee Dhoofisa Xoolaha

Tifaftiraha K24

Daawo: Maxay tahay Sababta puntland ay dil toogasho ugu xukuntay 7 dhalinyaro ah oo dad’dooda ay u dhaxeyso 20-30 sano??

Tifaftiraha K24

Akhriso: Xildhibaan Fiqi oo Bartiisa facebook-ka soo dhigay Digniin ku socota Hey’adda NISA

admin