Animation

FIQI” Madaxda DF waxey Xajka ku aadayaan Lacag Xatooyo ah qarankana…………………………”

no responses
Monday September 5, 2016 - 11:51 under Somali News by Tifaftiraha K24

Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa uu ku Eedeeyey Mas’uuliyiinta Dawlada Soomaliya in Lacagihii Qaranku lahaa ay ku aadayaan Xajka sida uu warka udhigay.

Madaxii Hore Ee Nabad Sugida Soomaaliya Axmed Fiqi ayaa sheegay in Allaah ay ka rajeenayaan Xaqa inuu tuso madaxda Xajka tageysa oo iyagoo ka badelan Qorshaha Hagardaaamda ay maleegayaan Dalka kusoo laabtaan.

Isagoo sii hadlay Siyaasigaasi ayaa waxa uu sheegay in ay dareemayaan musuq maasuq lagu doonayo in doorashada dhawaan dhici doonta la maleegayo.

Axmed Fiqi ayaa ka mid ah Mucaaradka Dawlada Xasan Sheekh Kasoo Horjeeda isagoo dhowr jeer soo Bandhigay Hadalo lid ku ah Dawlada Xilligeeda sii dhamaanayo.