Animation

Filim-ka Qabyo Ninkeeda Dhameystira oo qeybtiisa 1-aad Maanta la daawaday Goorme qeybta Xigta la daawan doonna??

no responses
Wednesday January 11, 2017 - 12:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

ib0a6156

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta si rasmi ah ugu Codeeyay Maxamad Shiikh Cusmaan Jawaari in uu Markale noqdo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

Guusha Jawaari ayaa Waxa ay ka dhigantahay in qeyb kamid ah Ol’laha Qabyo Ninkeeda dhameystira ee Xasan shiikh uu Hirgalay Maadama Jawaari lagu xagliyo in uu ka tirsanyahay Kooxda Damul-jadiid.

Filim-ka Qabyo Ninkeeda Dhameystira qeybtiisa Koowaad oo Mudo la sugaayay ayaana Maanta la Daawaday Iyadoona Qeybta 2-aad ee Filimka Maalinta beri la daawan Doono Marka ay dhacdo Doorashada Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Federaalka.

Qeybta 1-aad ee Filim-ka aad buu Xasaasi u ahaa waxaana laga dheehan karay Sadaalin qurxoon oo Xasan Shiikh uga soo muuqatay Doorashada Madaxweynaha Soomaliya.

La Soco qeybta Labaad ee Filim-ka qabyo Ninkeeda Dhameystira oo Mardhaw soo bixi doonta.