Somali News Top News Xulashada K24

Fatahaado Khasaaro dhaliyay oo ku soo rogmaday Magaalada Berbera.

Wararka naga gaaraya Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in roobab dabaylo wata oo ka dhashay duufaankii ku dhufatay xeebaha Badda Cas, ay xalay saqdii dhexe ku dhufteen magaalada Berbera.

Magaalada Berbera ayaa waxaa kusoo rogmay daadad xooggan,waxaana ay jira waxyeelo soo gaartay dad iyo duunyo intaba.

Inta la xaqiijyay hal qof ayaa ku dhintay guri ku dumay, waxaana sidoo kale maamulka Berbera ay daadgureeyeen  950 qof oo haatan ku sugan dugsiyada xaafadaha Berbera.

Roobab laxaad leh oo daadad ku soo rogay dooxyada ayaa jiidahaasi ka da’aya, waxaana hadda go’an wadada isku xirta Berbera iyo Bullaxaar.

Related posts

Ma dhab baa in Axmad Madoobe uu diiday in Madaxweyne Farmaajo uu kula kulmo Magaallada Nairobi?

admin

Jawaari oo manta kulan muhiim ah la yeshay Safiirada Beesha calamka u fadhiya somalia

admin

DEG DEG: Akhriso Magacyada Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka oo Dhaawacyo ay ka soo gaareen Weerarkii Ambassador Hotel

Tifaftiraha K24