Animation

Faroole”Madaxweynaha Soomaaliya waa inuu tagaa Gaalkacyo”

no responses
Tuesday December 1, 2015 - 7:16 under Somali News by admin
mqdefault

C/raxmaan Madaxweynihii hore ee Puntilandi oo Warbaahinta kula hadlay aqalkiisa magaalada Garowe ayaa sheegay in wax laga xumaado ay  tahay in dagaalo ay ka dhacaan magaalada Gaalkacyo, isla markaana dhiig badan ku daato, waxaana uu dalbaday in si deg deg ah loo xaliyo.

Dhinaca kale Faroole ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ugu baaqay inuu yimaado magaalada Gaalkacyo oo ay ku Dagaalameen Maamulada Puntland iyo Galmudug si uu uga qeyb qaato dadaalada lagu xalinayo colaada halkaasi ka taagan.

Madaxweynihii Hore ee Puntland Faroole ayaa geesta kale waxa uu usoo jeediyay in labada Maamul ee Ku Dagaalamay Gaalkacyo aysan go’aanka kaligooda laheyn waxaan uuna u sheegay in talalada ay la wadaagaan oo ay kula noqdaan bulshada qeybaheeda kale si loo gaaro xal waaro .

Magaalada Gaalkacyo waxaa ku sugan Wafdi heer Federal ah oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/Rashiid waxeyna magaalada labada dhinac ay u qeybsan tahay ka wadaan wada xaajoodyo lagu soo afjarayo Colaada Gaalkacyo ee u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug