Top News

Farmajo Oo dabinkii Ugu Culusaa Kudhacay Iyo Kenya Oo….

Aamusku marar badan buu ka fiican yahay hadalka badan iyo in arrin walba, gaar ahaan hawlaha iyo sirta dawladda fadhi-ku-dirir kasta looga hadlo, laakiin mararka qaarkoodna waa muhiim in madaxda dawladdu dadwaynaha la socodsiiso qaraarada ay ka qaadato heshiisyada reebaya mahadhooyin fog isla markaana laga qanciyo wixii tuhun ah oo soo kala dhex gala shacabka iyo dawladda.

Si kastaba ha ahaatee dawladda Farmaajo loogma baran inay dadwaynaha ama Golaha Shacabka la wadaagto nuxurka wixii looga wada hadlo kulamada ay la qaataan madaxda shisheeyaha, is afgardka dhex mara Farmaajo iyo madaxda kale, iyo qaraarada aan la shaacin ee dawladdu kula heshiiyo madaxda waddamada kale.

Hab dhaqanka noocaan ah wuxuu khatar ku noqon karaa jiritaanka Soomaaliya iyo mustaqbalka dhallaankeena waayo waxaa dhaci in dawladdu gasho heshiisyo aan laga fiirsan si buuxdana khubaro aqoon u leh usoo daraasadayn.

Miyaysan ogayn dawladdu in isla marka ay heshiis galaanba la ogaan karo wixii ay ka wada hadleen oo kula heshiiyeen dawladaha kale, waayo Soomaaliya hadda ma leh career public servants or diplomats oo ilaalin kara sirta dawladda. Laakiin xataa haddiiba ay suurowdo inay wax qariyaan sow xukunka mar uun ka dagi mayaan oo dawlad kale ma baddali doonto tooda? Markaasna sow wax walba lama ogaan doono?

Ma aha ujeeddadu in baraha bulshada looga sheekaysto sirta dawladda laakiin waa muhiim in dadwaynaha lala socod siiyo wax qabadka dawladda, caqabadaha jira iyo meesha la hiigsanayo

Siyaasad arrimo dibad oo aragti dheer leh

Waxaa habboon in siyaasaddeena arrimaha dibaddu ay noqoto mid leh hadaf dheer oo aan aad isu bad-baddalin mar kasta oo dawlad cusub la doorto.

Ka fakar siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Cid kasta oo Itoobiya xukunka u qabatay mar walba wuxuu hadafkooda kowaad ahaa inay Soomaaliya aysan midoobin, ciidan xoog lehna yeelan, gacantana ku dhigaan badda Soomaaliya, taasna waxaad mooddaa in Farmaajo hadda u fududeeyay Itoobiya. Akhri qoraalkaan dhaxal galka ah (Which way to the sea, please? by Nuraddin Farah ) ee qoraaga caanka ah ee Soomaaliyeed, Nuuraddiin Faarax, ka qoray damaca soo jireenka ah ee madaxda Itoobiya waligood ka lahaayeen badda Soomaaliya.

Sidoo kale, tusaale ahaan, ka fakar siyaasadda arrimaha dibaddaee Maraykanka oo ku aaddan bariga dhexe. Miyay isla beddashaa mar kasta oo dawlad cusub la doorto? Waa maya.

Sidoo kale siyaasadda arrimaha dibadda ee dawladaha reer galbeedku kula dhaqmaan Soomaaliya waligeed isma baddalin. Ilaa iyo maantii Soomaaliya xornimada qaadatay marna reer galbeedku may oggolayn in Soomaaliya ciidan Military oo xoog leh yeelato. Taas ayayha ahayd sababtii ku kalliftay Soomaaliya inay Soviet Union waydiisto inu Military-ga u dhiso. Nasiib darro, markii dambana Soviet Union iyo Maraykan labaduba waxay u hiiliyeen walaalahooda Itoobiyaanka ee ay diinta wadagaan, halka Liibiya iyo Yeman uu Ruushku u soo adeegsaday inay la saftaan Itoobiya oo la dagaalaan Soomaaliya.

Waxaa marka muhiim ah insiyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ay yeelato tiigsi fikir oo dheer oo la mid ah kuwa waddmada kale, una danaynaya jiilasha dambe.

Mar walba inaan u yeelno rabitaanka Itoobiya miyaa?

Waa la wada ogyahay in Dawladda Soomaaliya wali lahayn itaal ciidan iyo mid siyaasadeen oo ay isaga caabbin karto cadaadiska iyo fara-galinta shisheeyaha laakiin ma inaan mar walba aamusnaa oo xataa aanaan muujin dareenkeena.

Si kastaba ha ahaatee, fara-falinta Itoobiya waagii hore waxay u badnayd ka dhex faa’idaysiga maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe, laakiin hadda waxay si muuqata u gaartay waddamada deriska ah. Waxaana taas daliil u ah Abiy Axmed miyuu u raaci lahayn Farmaajo Nairobi haddii uusan jirin heshiis diyaar ah oo ay wada gaareen isaga iyo Kenyatta, ka dibna Farmaajo loo bandhigay. Uhuru Kenyatta Addis buu joogay maalin ka hor intuusan Farmaajo tagin Addis. Muxuu Kenyatta u sugi waayay Farmaajo oo ugula kulmi waayay Addis oo uu dib ugu laabtay Nairobi, maalin ka dibna Abiy Axmed iyo Farmaajo isu soo raaceen oo Nairobi u yimaadeen si Farmaajo loola kulansiiyo Uhuru Kenyatta?

Sababtu waxay tahay, dawkadda Kenya fashil siyaasadeed oo wayn baa ka soo gaaray xiisaddii ay abuurtay iyo eryiddii safiirkii Soomaaliya, waxayna ku fashilantay qorshihii ay wadatay oo ahaa in Soomaaliya lagu cadaadiyo inay waan-waan ka gasho dhul-badeedka Kenya rabtay inay ka dhacdo Soomaaliya. Fashilkaas ka dib dawaladda Kenya waxay isugu yeertay khubaro daraasad ku sameeya sababaha xiisadda dhaliyay iyo sidii arrintaan waji wanaagsan loogu yeeli lahaa oo dawladda Kenya uga bixi lahayd fashilka siyaasadeed, danaheedana u gaari lahayd.

Iyadoo taas laga duulayo baa madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya waxay qaadeen olole wayn oo ay waddamada deriska uga dhaa-dhicnayeen inay taageeraan fikirka Kenya, Soomaaliyana ka dhameeyaan in ay soo celiso dacwadda badda ee taal maxkamaada caalamiga ah ee cadaaladda.

Shaxdaas ballaaran ee Kenya dhigtay ayaa Farmaajo dhexda uga dhacay. Tusaale ahaan, Uhuru Kenyatta  wuxuu tagay Asmara oo kula kulmay madaxwaynaha Eritariya, Isias Afawerki, ka dibna Addis ayuu tagay maalin ka hor intuusan Farmaajo imaan. Kulamada Uhuru la qaatay Abiy Axmed iyo Afawerki, waxaa la isla meel dhigay in Farmaajo loogu yeero Addis oo laga dhaa-dhiciyo in madaxda gobolku galaaan xal u helidda xiisadda u dhexaysa Somaaliya iyo Kenya.

Markuu Farmaajo tagay Addis oo laga dhaa-dhicayay qorshii Kenay, markiiba waxaa isa soo raaceen Abiy Axmed oo Uhuru Kenyatta oo dawladdiisu lahayd bilowga khilaafka ugu keenay Nairobi. Miyaysan habboonayn in Soomaaliya dhahdo Kenya iyadaa xiisaddaan bilowday, anaguna diyaar baan u nahay inaan martiqaad baan u fidino Mr. Kenyatta oo aan ku wada hadalno Muqdisho si loo soo afjaro xiisaddaan. Taasi ma dhicin oo eedaysanihii baa gurigiisii loogu tagay oo marti loo noqday. Wixii ka soo baxay wada hadalkaasna wali ma cadda.

Taasina waxay daliil cad u tahay bisayl la’aanta iyo hab maamuus raaca xumada haysata dawladda Soomaaliya. Dadkii wax ka garanayay hanaanka dawladnimo waxay noqdeen wax waddanka ka qaxay, wax duqoobay, wax dhintay, iyo qaar lagu shaabadeeyay dawladdii Siyaad Barre.

Kenya waxay ku jirtay meel adag laakin Farmaajaa si dhib yar uga bixiyay

Wax lala yaabo ma aha in xiriirka laba dawladood xumaado oo uu gaaro heer safaaradaha la kala qaato. Laakiin markii arrintaas oo kale dhacdo, waxaa had iyo jeer jira xiriir dadban (back channel communications) oo dawladuhu ku lafo guraan sababihii dhaliyay arrimaha taagan iyo qaabkii xal loogu heli lahaa. Badanaana waxaa la gaaraa is faham buuxa (mutual understanding). Laakiin waxaa jira hab raac (protocol) ay tahay in had iyo jeer la hubiyo in la maro. Waxaa ka mid ah heerarka wafdiyada, meelaha lagu kulmayo, cidda goob joog ahaanaysa, waxa lagu qorayo war-murtiyeedka sida wada jirka u soo baxa, iwm.

Waxaad moodaa in hab raacyadaan oo dhan dawladda Soomaaliya ka boodday oo xalkii khilaafka loo maray sidii laba dhallin yaro ah oo ciyaar kubadeed ku dagaalamay oo la isu soo caro celiyay. Shaxda ciyaartana Soomaaliya lagama qayb galin laakiin waxaa soo maleegay Mr. Kenyatta, iyo Abiy Axmed. Kadib markii labadaan waddan fahamkoodii siyaasadeed mideeyeen baa Abiy Axmed soo kaxeeyay Farmaajo oo yiri na keen aan Uhuru Kenyatta u tagnoo arriinta soo xallinee.

May ahayn in Kenyatta loo tago oo la soo raalli galiyo, waxay ahayd in Kenya raalli galin ka bixiso gafafkeedii, iyaduna codsato in la wada hadlo, oo waliba Muqdisho lagu wada hadlo.

Xogta heshiiyada Soomaaliya la gasho Kenya iyo Itoobiya ma Television-ka Itoobiyaan ka qaadanaa?

Aamuska dawladda Soomaaliya, waxaa ka sii daran in dadwaynuhu xogta heshiisyadaas ka helaan idaacadda Itoobiya, iyo twitter-ka Ra’isul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Markii Abiy Axmed shaaciyo war ka duwan kan dawladda Soomaalidu ka soo saarto heshiisyada madaxwaynuhu soo galo, markaas ka dib hadal ama qoraal aan faah-faahsanayn soo tuurtaa. Taasna waxaa loo qaadan karaa in dawalddu wax qarinayso.

Dawladdu ha xusuusato maah-maahda oranaysa: Wax la qariyo ama qubte ama qurme! War jiraabana cakaaruhuu iman!

W/Q: Axmed Bashir

Related posts

DEG DEG: Jubbaland oo ku guuleysatay koobkii loo qabtay dhamaan maamul goboleed-yada dalka

admin

XOG: Maamulka Puntland oo Hadal dhibaato u keeni kara Beel ka mid ah Beelaha Soomaalida ku dhawaaqay iyo Galkacyo oo dibad bax ka dhan ah Beeshaas uu ka dhacay

admin

TOP NEWS: Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom oo la sheegay in..

admin