Animation

Farmaajo oo si weyn iskaaga dhisay Xiriirka….

no responses
Wednesday October 19, 2016 - 7:09 under Somali News by admin
mqdefault

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaan weli imaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, si uu uga qeybgalo ololaha doorashada 2016.

Xog la helay ayaa sheegaysa in Farmaajo arrinta ugu weyn ee xilligaan u maqan yahay ay tahay olole uu dhanka beesha caalamka ka wado, wuxuuna ku sugan yahay hadda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Farmaajo ayaa sanadkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaaladaasi, waxaana uu iska soo dhisayaa dhanka taageerada beesha Caalamka.

Maalmaha soo aaddan ayaa lagu wadaa in Farmaajo uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, isagoo waliba taageero wata.

Sidoo kale waxyaabaha uu gadaal isugu dhigayo Farmaajo ayaa ah in uu diidan yahay muddo badan inuu magaalada Joogo iyadoo aan doorashada soo dhoweyn, balse wuxuu imaan doonaa marka ay kala cadaato xubnaha doorashada aqalka hoose.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sugi la imaanshiyaha Farmaajo, iyaga oo sii diyaarsaday waxyaabaha ay kusoo dhoweyn lahaayeen.