Animation

Farmaajo oo Heshiiska Barbera ku eedeeyay Dowladii hore ee Xasan Sheikh Maxamuud

no responses
Sunday July 9, 2017 - 4:59 under Breaking News by nairobi
mqdefault

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadliyay furitaankii Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka ayaa ka gaabsaday rasmi ah uu uga hadlo heshiiskii ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee ku aadan saldhigga Berbera, kaddib markii Xildhibaanada ay mooshin ka keeneen bishii April ee sanadkan

Madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabayay qoraal uu bishii May u qoray Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ku aadanaa inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan saldhiga Berbera ayaa sheegay in arrinta Heshiiska Berbera ay ka horeysay 8-dii February, xilligii la dooranayay, waxayna taasi la micno tahay in Madaxweynihii ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud uu xog badan ka hayo heshiiskaasi.

“Dowladda waxay ku howlan tahay inay xog dhameystiran ka hesho Heshiiska Berbera, maadaama heshiiskaa uu ka horeeyay 8-dii February, hadii aan xog dhameystiran oo la xiriira arrintaas waa idinla wadaageynaa Baarlamaanka iyo hey’adaha ay quseyso”ayuu ku gaabsaday Madaxweyne Farmaajo oo u muuqday mid uu iska fogeynayay inuu wax ka og yahay arrintan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilligii Baarlamaanka uu mooshinka ka keenay Saldhiga Berbera u ambabaxay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo dhowr cisho uu ku sugnaa, iyadoo Madaxweynuhu aanu si faah faahsan uga hadlin safarkaas iyo wixii uu kala soo kulmay, marka laga soo tago war ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka soo saartay booqashadaas.

Somaliland ayaa heshiis la gashay Imaaraadka Carabta, waxaana heshiiskan uu dhigayaa in Shirkadda DP la wareegto Dekeda Berbera iyo saldhig Imaaraadka Carabta ka dhisanayo meel ku dhow garoonka diyaaradaha Berbera, iyadoo heshiiskan uu qeyb ka yahay mashaariic uu Imaaraadka ka fulinayo Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka inay ansixiyaan illaa 15 hindiso sharciyeed oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada, iyadoo hindise sharciyeedyada la horgeyn doono Baarlamaanka.

Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka oo maanta si rasmi ah u furmay ayaa maalmaha soo socda bilaabi doona kulamadiisa, iyadoo ay hor-yaalaan ajandayaal dhowr ah oo ay qeyb ka tahay la xisaabtan Xukuumadda iyo olole ka dhan ah oo ay Xildhibaanada wadaan.