Animation

Farmaajo oo dib u so celinaya Saraakiisha hore ee Ciidamada Xogga Somalia.

no responses
Thursday February 16, 2017 - 4:28 under Somali News by admin
mqdefault

Mid kamid ah Saraakiishii hore ee Ciidanka xoogga dalka Somaaliya islamarkaana dowladdii waqtigeedu dhamaaday ay shaqada ka joojisay ayaa ka hadlay rajada ay qabaan maadaama dalka loo doortay madaxweyne Cusub.

Waxa uu sheegay in iyagoo ka badan 800,,oo isugu jira Saraakiil iyo waliba Askar uu shaqada ka joojiyay taliyihii Ciidanka xoogga dalka Somaaliya Janaraal Indho Qarshe,una sheegay in uu ruqseeyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii ay maqleen in dalka uu madax ka noqday Maxamed Cabduulaafi Farmajo ay gashay rajo weyn oo ku aadan in ay dib ugu laaban karaan Ciidanka Xoogga dalka Somaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Somalia Mundane Farmaajo aya shalay laga so xigtay in u yiri waxan dib u howlgalinaya saraakiishi xogga Somalia kuwooda joga iyo kuwa maqan oo loo yeeri doono.

Hadii uu madaxweyne Farmaajo Ku gulaysto so celinta saraakiishi xooga somaaliya ee wadanka ka maqnayd waxay guul weyn u tahay dib u dhiska Ciidamada Xoogga Somalia.