Animation

Farmaajo oo cambaareeyay Xariga loo geystay Shaqaalaha Universaltv xaruntooda Muqdisho

no responses
Sunday October 4, 2015 - 10:23 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xarigii Ciidamada Ammaanka ay xireen Xafiiskii telefishinka Universal, Agaasimihii Bariga Afrika ee Telefishinka TV iyo Wariye Cawil Dahir.

” Waa ayaan darro in xafiis u adeegayo bulshada la xiro waa wax laga xumaado in la caburiyo saxaafadda xorta ah  dowladdu waxeey xirtay Universaltv taasine waa mi aan wanaagsaneyn waa in ay sii daayaan Agaasimaha bariga Africa Abdulaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir Salaan”

Waxaa uu sheegay in aan loo baahneyn dad xilligan loo xiro arrimo siyaasadeed, isla markaana uu dalka u horseedi karto mugdi, waxaana uu xusay in Madaxda dowladda ay iyagaba saxaafada adeegsadaan.

waxaa maalintii 3 aad xiran Agaasime Abdullaahi Xirsi Kulmiye  iyo waliba wariye Cawil Daahir Salaad lamana oga xiliga la horkeeni doono maxkamadda ay sheegtay dowladda, waxii warar ah oo ku soo kordha xariga shaqalaaha Universaltv kala soco Shabakadda Banaadirtimes.com

Facebook Comments