Farmaajo iyo Cabdiqaasim oo kukulmay marlabaad.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan.

Cabdiqaasim Salad Xassan ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka.

Waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo la kulmayo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan oo muddooyinkii danbe ku noolaa dalka Masar.