Fariimo iska soo horjeeda oo ku aadan kulanka beri oo loo diray xildhibaanada baarlamaanka

0

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa caawa loo kala diray laba fariin oo iska soo horjeeda kuwaasi oo ku saabsan kulanka beri ee baarlamaanka.

Warqadda koowaad ayaa waxaa laga diray xafiiska guddoomiyaha is casilay ee baarlamaanka prof jawaari waxaana xildhibaanada loogu sheegay in kulanka beri ay soo xaadiraan kaasi oo uu hadal ka jeedin doono maxamad shiikh cusmaan jawaari.

Warqad taas ka soo horjeeda ayaa sidoo kale waxaa laga diray xafiiska guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka c/wali muudey waxaana xildhibaanada loo sheegay in maalinta beri wax kulan ah uusan jirin dibna laga soo sheegi doono waqtiga uu qabsoomi doono kulanka baarlamaanka.

Kulanka loo qabanayo khudbad jeedinta Guddoomiyihii hore Mudane Jawaari ayaa la sheegay inaan lagala tashan Guddoomiye ku xigeenka koowaad oo hadda noqday sii-haye, waxayna wararku sheegayaan in wadahadal lagula jiro C/weli Muudey si uu kulanka Berri u qabsoomo.

Guddoomiye jawaari ayaa maanta is casilaaddiisa ka hor sheegay shir jaraa’id oo wadajir ay u qabteen isaga iyo madaxweyne farmaajo waxaana la ogeyn in kulanka beri uu qabsoomi doono ama in uu baaqan doono.