Animation

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Swansea City Vs Liverpool (Maxaa Kulankan Laga Soo Calaamadiyey???)

no responses
Saturday October 1, 2016 - 6:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

MAXAA CUSUB?

Guidolin ayaa laga yaabaa inuusan isbedel ku sameyn kooxdii Swansea ee la ciyaartay Manchester City todobaadkii lasoo dhaafay.

Federico Fernandez ayaa taam noqon kara mar kale ka dib markii uu dhaawac gumaarka ah soo gaaray, halka saxiixa ugu qaalisan kooxda Borja Baston uu sugayo inuu kusoo bilowdo kulankiisii ugu horeyay Premier League.

Divock Origi ayaa shaki uu kujiraa ka dib markii weeraryahanka uu soo gaaray dhaawac ka hor diyaar garowga Liberty Stadium.

XAQIIQOOYIN

guul 3-1 ah oo ay Swansea bishii May 2016 ka gaareen Reds, ayaa soo afjartay sideed kulan oo tartamada oo dhan ah oo aysan wax guul ah ka gaarin kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa mid ka mid ah shantii kulan oo ay booqatay Liberty Stadium Premier League laga badiyay- ciyaartaas oo kusoo dhamaatay 1-0 waxay dhacday bishii March 2015.

Daniel Sturridge ayaa si toos ah ugu lug lahaa lix gool lixdii kulan ee Premier League ugu dambeeyay ee uu wajahay kooxda Swansea (afar gool ayuu dhaliyay, labana wuu caaawiyay)

Liverpool ayaa dhalisay 16 gool lix kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, xilli ciyaareedkii hore waxay tiradaan o kale ku dhalisay 13-kulan.

Fernando Llorente waa xiddigii 61-aad ee reer Spain ah oo gool ka dhaliya Premier League , waxa uu kujiraa 17 ciyartooyda oo min gool dhaliya sida Merida, Xisco iyo kepa

Facebook Comments