Animation

FALANQEYNTA Kulanka XIisaha Leh Ee Real Madrid Vs Villareal (Waxaa Laga Soo Calaamadiyey???)

no responses
Wednesday September 21, 2016 - 5:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Real Madrid ayaa raadin doonta inay sii wadato qaabka wanaagsan oo ay ku bilowdeen xilli ciyaareedkaan marka ay ku wajahayaan Villarreal garoonkooda caaawa.

Los Blancos ayaan ku guuleysan Horyaalka La Liga tan iyo xilligii Mourinho waana sanadkii 2012, lakiin macalin Zidane ayaa hadda waxaa saaran cadaadis xoog leh oo dhank guusha Horyaalka ah.

Isagoo ku guuleystay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Champions League, macalin Zidane ay doonaya inuu kula tartamo sanadkaan Horyaalka kooxda Barcelona,

Ilaa hadda, Real Madrid ayaa badisay dhamaan kulamada ay La Liga ciyaartay, waxaana ay kujirtaa kooxdan bandhigii ugu fiicnaa.

Los Blancos ayaa rikoor wanaagsan ka heysata kooxda Villarreal iyagoo awooda in ay caawa sii wataan rigoorkooda guulaha Horyaalka.

Zidane waxaa ka maqnaan doona labada ciyaaryahan ee dhaawaca ah Keylor Navas iyo Casemiro.

Villarreal ayaa ku bilaabatay si aan laga badin qaab wanaagsan xilli ciyaareedkan waxaana ay rajeynayaan in ay sii wataan bandhigooda guul daro la’aanta ah caawa.

Roberto Soldado iyo Cedric Bakambu ayaa labadoodaba dhaawac kaga mnaqan safarkaan kooxdooda ay ku tageyso caasimada Spain.

XAQIIQADA KULANKA

Real Madrid ayaa badisay 16 kulan ee ugu danbeysay Horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan 3 gool 13 ka mid ah 15 kulan ee ugu danbeyay La Ligaay ku ciyaareen gurigooda.

Real Madrid ayaan laga badinin 15 kulan ee ugu danbeyay oo ay garoonkooda kula ciyaaraan kooxda Villarreal tartamada oo dhan.

Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan 3 gool 5 kamid ah 6 kulan ee ugu danbeysay garoonkeeda kula ciyaarto Villarreal tartamada oo dhan.

SHAXDA MACQUULKA AH

Real Madrid (4-3-3): Casilla; Danilo, Varane, Ramos, Marcelo; Kroos, Modric, Rodriguez; Ronaldo, Morata, Bale

Villarreal (4-4-2): Asenjo; Mario, Ruiz, Musacchio, Costa; Santos, Trigueros, Bruno, Cheryshev; Pato, Sansone