Animation

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Leh Ee Manchester United Vs Watford (United Oo Ciil Badan Qabta Ayaa Kulankan Wajaheysa)

no responses
Sunday September 18, 2016 - 6:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Manchester United ayaa rajeyneysa inay dib ugu soo laabtay guuldaradii 2-1 aheyd ee kasoo gaartay kulankii Manchester Derby iyo niyad jabkii Europa League marka ay usafreyso kooxda Watford maanta.

Mourinho kooxdiisa ayaa waxaa soo gaaray todobaadkii ugu xumaa iyagoo guuldarro garoonkooda kala kulmay kooxda ay isku magaalada yihiin ee City ka hor inta 1-0 markale kusoo qaarajin Feyenoord oo ciyaareysay magaalada Rotterdam.

United ayaa rajeyneysa in ay hesho soo kabsasho weyn kulanka ka dhanka ah Hornets ee dhaca duhurtii maanta.

Watford ayaa leh afar dhibcood afarta kulan ee furitaanka Horyaalka, waxaana ay kasoo laabteen 2-0 iyagoo ku garaacay West Ham 4-2 kulankii ugu dambeeyay.

Booqashadii ugu dambeesay United Vicarage Road way ku dhibtootay, waxaana kooxda Walter Mazzarri ay horay uga badiyeen wiilasha kooxaha waaweyn ee Premier League sida Chelsea iyo Arsenal.

MAXAA KA CUSUB LABAD KOOX?

Weeraryahanka Watford Stefano Okaka ayaa wajahaya hal bil oo dhaawac muruqa ah soo gaaray kulankii kooxdiisa ugu horeyay Horyaalka.

Younes Kaboul iyo Sebastian Prodl labada baaritaan xilli danbe ayay marayaan kadib markii uu soo gaaray dhaawacyo kulankii ugu dambeeyay ee West Ham.

Manchester United ayaa dib u helkeysa Wayne Rooney, Antonio Valencia iyo Luke Shaw ka dib markii kooxda laga saaray safarkii ugu dambeeyay ee Europa League bartamihii todobaadkii hore.

Eric Bailly ayaa la qiimeyn doonaa xaaladiisa ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii Europe League, Henrikh Mkhitaryan ayaa iska dhibaato bowdada ah wali qaba.

XAQIIQADA KULANKA

Watford guushii ugu danbeysay ee Manchester United ka gaartay aya timid 16 September 1986, markaasoo Iwan Roberts uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay kulan kusoo dhamaaday 1-0 garoonka Vicarage Road.

Watford ayaa laga badiyay mid kasta oo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu danbeyay horyaalka United ay ku wajahaan,waxaa kujiray lix kulan oo Premier League ah.

Manchester United ayaa badisay dhamaan afartii kulan ee hore Premier League ka hor guuldaradii Manchester derby.

Red Devils ayaa ku guuleysan karta saddex kulan Premier League iyadoo marti ah xilli ciyaareedkan waana markii ugu horeysay tan iyo 1993.

Jose Mourinho ayaa ku guuleystay seddexda kulan oo uu isagoo macalin ah wajahay kooxda Watford wuxuu kaga badiyay celcelis ahaan 8-0.

Wayne Rooney wuxuu u baahan yahay hal gool si uu u noqdo ninka ugu sareya Premier League kulamadfa marti ah  Alan Shearer ayaana 87 gool dhaliyay.

SHAXDA MACQUULKA AH

Man Utd (4-2-3-1): De Gea; Valencia, Smalling, Bailly, Blind; Fellaini, Pogba; Mata, Rooney, Martial; Ibrahimovic

Watford (3-5-2): Gomes; Prodl, Kaboul, Kabalese; Janmaat, Pereyra, Behrami, Capoue, Holebas; Deeney, Ighalo