Animation

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha LEh Ee Manchester City Vs Swansea City (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

no responses
Wednesday September 21, 2016 - 5:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Daafaca dambeedka bidix ee Swansea Neil Taylor, ayaa lagu wadaa inuu ku soo laabto kooxda kulanka EFL Cup caawa kooxdiisa wajaheyso Manchester City.

saxiixa ugu qaalisan kooxda Swansea tariikhda oo dhan Borja Baston, ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo markii ugu horeysay tan markii heshiis £ 15.5 uu kaga yimid kooxda Atletico Madrid, iyadoo kabtanka kooxda Leon Britton uu sidookale soo muuqan doono.

Kabtanka City Vincent Kompany ayaa laga yaabaa inuu kulankiisii ugu horeyay ee xilli ciyaareedka kasoo muuqdo, isagoo ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah.

Xiddiga qadka dhexe David Silva ayaa shaki kulankaan, iyadoo dhaawac lugta ah uu qabo.

XAQIIQADA KULANKAAN

Labadaan kooxood waligood kuma kulmin tartanka League Cup.

Manchester City ayaa badisay todoba ka mid ah 10 kulan ee la soo dhaafay tartanka League Cup.

City ayaa ku guuleysatay labo kamid ah saddexddii League Cup ee ugu dambeeyay (2014 iyo 2016), halka Swansea ay koobkaan ku guuleysatay 2013.

Swansea ayaa laga badiyay kaliya mid ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeeyay kooxaha Premier League tartanka League Cup ay marti galisay, 1-2 vs Liverpool ayaa kaga badisay halkaas mar ciyaar dhacday bishii October 2014.

Manchester City ayaa laga badiyay kaliya mid kamid ah 12 kulan ee ugu danbeyay oo ay wajaheen kooxda Swansea tartamada oo dhan.