Animation

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Leh Ee Manchester City Vs Celtic (Maxaa Kulankan Laga Soo Calaamadiyey????)

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 5:12 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Macalin Pep Guardiola ayaa laga yaabanyahay qaabka uu ku bilowday waayihiisa kooxda Manchester City ,maxaa yeelay macalinkaan ayaa dhamaan wada badiyey kulamadii uu City hogaamiyey.

Caawa waxaa ay ciyaarayaan kulankooda labaad ee xilli ciyaareedkaan Champions League , kadib markii kulankii hore ay guul kasoo gaareen kooxda reer Germany.

Mancehster City kulankaan waxaa la arkidoonaa sida ay u dhaqaaqidoonto la’aanta ciyaaryahan De Bruyn kaasi oo kooxdiisa dhaawac seddex todobaad ah garoomada kaga maqnaandoono.

Macalin Guardiola ayaa laga yaabaa in kulankaan uu fursad siiyo Yaya Toure kaasi oo aan kooxda wax badan u safan.

Xaqiiqooyinka Kulanka.

Labadaan kooxood ayaa caawa markii ugu horeeysey ku kulmayaan tartanka Champions League ama tartamo yurub oo dhan.

Mancehster City ayaa noqondoonta kooxdiisa labaad ee England oo heerka guruubyada ku wajahday kooxda Celtic kadib Manchester United 2006/07 & 2008/09.

Celtic ayaa markii ugu horeeysey ka horimaaneysa koox uu hogaaminayo Guardiola tartamada yurub, laakiin waxaa jirta in Barcelona sagaal jeer ay wajeheen intaasna ma ahan kulamada uu joogay Guradiola.

Macalin Brenden Rodgers ayaa badiyey hal kulan todobo kulan ee uu Macalin ahaa Champions League,waxaa uu dhaliyey shan gool, halka laga dhaliyey 16 gool.

Celtic ayaa laga adkaaday seddex kamid ah afar kulan ee ay ku ciyaarta garoonkeeda Champions League.

Mancehster City ayaa kaliya laga adkaaday hal jeer shantii kulan ee ugu dambeeysey ay ciyaartay heerka guruubyada ee Champions League.