Animation

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Leh Ee Manchester City Vs Bournemouth (Maxay Saxafadu Kulankan Ka Qortey???)

no responses
Saturday September 17, 2016 - 6:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Man City Vs Bournemouth : Hantiilaayaasha 8-dii Kulan Ee Ugu Dambeeyay Kuma Hor Kufin Wiilasha Tababare Eddie Howe

Man City waxaa kulankaan ganaax kaga maqan Aguero oo sedex kulan ganaax ah qaba waxaana kulankaan mar kale fursad helaya saxiixa cusub ee Ilkay Gundogan maadaama dhaawac uu ku maqan yahay David Silva

Xogta Kulanka Labadan kooxood:-

Man City ayaa kulan wareegga 5-aad ee horyaalka Ingiriiska ah waxa ay la leeyihiin kooxda Bournemouth waxa ayna kulankaan galayaan iyadoo ay guuleysteen afartii kulan hore ee ay ciyaareen

* Man City ayaa bilaa guul darro ah 8 kulan oo hore oo ay la ciyaareen kooxdaan Bournemouth , 6 jeer waa badiyeen halka laba jeerna ay galeen bar bar dhac , waxaana ku jira labadii kulan ee xilli ciyaareedkii hore oo ay garaaceen

* Guushii kulankii United ee Man United waxa ay tababare Pep ka yeeshay macalinkii 4-aad ee guuleystay afarta kulan ee ugu horeeya horyaalka Ingiriiska.
* Guud ahaan 7-da kulan ee ugu horeeya xili ciyaareedkaan ee tababare Pep waxa uu City la gaaray guul.

* Sedexleydii ugu horeeysay ee uu Raheem Sterling ka dhaliyo horyaalka Ingiriiska waxa uu ka dhaliyay kooxdaan Bournemouth waxa ayna aheyd October sanadkii 2015-ka

* Bournemouth ayaa kaliya badisay hal kulan 6-deedii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka , hal bar bar dhac iyo afar guul darro ah ayay wataan