Animation

FALANQEYNTA KUlanka Xiisaha Leh Ee Kooxaha Real Madrid Vs Eibar (Maxay Saxaafadu Kulankan Ka Tiri???)

no responses
Sunday October 2, 2016 - 7:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kooxdda Real Madrid ayaa dooneysa iney kusoo laabato jidka guusha ee kulamada horyaalka La liga oo ay dhibaatooyin bar bar dhac ah ay isugu xigsadeen marka ay galabta la ciyaarayaan naadiga Eibar ciyaar ka dhici doonta garoonka Santiago Bernabéu.

Xaqiiqooyinka

Real Madrid ayaa badisay 4 kulan oo ka tirsanaa La liga oo ay la ciyaartay kooxdda Eibar iyadoo aan wax gool ah laga dhalin.

Kooxdda cad cadka ayaa la kulantay labo bar bar dhac oo xiriir ah kulamada horyaalka laakiin ma aysan dhicin sadedex bar bar dhac oo isku xigta intii uu shaqada joogay Zidan.

Eibar ayaa badisay hal kulan oo qura 13-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay banaanka kusoo ciyaartay La liga waxaana kulankaas ay 2-1 uga soo badisay kooxdda Granada bishii September.

Cristiano Ronaldo ayaa la badalayay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeysay La liga.