Animation

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Leh Ee Kooxaha CSK Moscow Vs Tottenham (Maxay Saxaafadu Kulankan Ka Tiri???)

no responses
Tuesday September 27, 2016 - 6:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

CSKA Moscow & Tottenham Hotspur ayaa raadindoonaan guushooda ugu horeeysa ee Champions Leagye marka ay labadooda is wajahaan.

Kooxda CSKA Moscow ayaa soo laabasho layaab leh sameeysey kulankeeda koowaad ee Champions League ee ay wajahday kooxda Bayern Leverkuson.

Kooxda CSKA Moscow ayaa laga dhaliyey laba gool , laakiin waxaa ay sameeyeen soo laabasho wanaagsan ciyaar labada kooxood ay afarta gool iska dhaliyeen 40 daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeysey.

Xaqiiqooyinka Ciyaartaan.

Kulankaan ayaa sidoo kale noqondoona markii ugu horeeysey ee ay kulmaan labadaani kooxood kulan ka tirsan Champions League.

Rikoorka ay tartamada Yurub ka heeysato CSKA Moscow gaar ahaan marka ay wajeheeyso kooxaha England waa 3 guul, 2 bar bar dhac & 7 guuldaro waa marka ay garoonkeeda kula ciyaareyso.

Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay waxaa ay wajeheen kooxda Manchester United,waxaana kulanka koowaad ay ku kala bexeen bar bar gool & gool , laakiin goolkii Wayne Rooney ee garoonka Old Trafford ayaa lagu reebay kooxdaan.

Kooxda Spurs ayaa rikoor wanaagsan ka heeysata kooxda reer Russia ee CSKA Moscow waxaana ay ka adkaadeen 3 jeer, hal bareejo & hal guuldaro.

Laakiin labadii kulan ee Tottenham ay booqatay Russia waxaa ay badisay hal kulan , sidoo kale laga soo adkaaday hal bar bar dhac.

Sidoo Kale Kooxaha Kala Ah Monaco vs Bayer Leverkusen  ayaa wada ciyaaridoonaan.