Animation

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Leh Ee Kooxaha Barcelona Vs Celta Vigo (Maxaa Laga Soo Calaamadiyey???)

no responses
Sunday October 2, 2016 - 6:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Barcelona ayaa marti ugu ah Celta Vigo kulan ka tirsan wareegga 7-aad ee horyaalka Spain , waxa ayna Barca dadaal ugu jiraan in ay badiyaan kulankaan maadaama midkii hore ay galeen bar bar dhac.

Xogta Kukanka

* Celta Vigo ayaa badisay kaliya hal kulan 9-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay Barcelona ku marti giliyeen , waxa ay guul dareysteen afar jeer halka hal kulanna ay galeen bar bar dhac , iyadoo guushii ugu dambeyesay ee ay Barca ka gaaraan ay aheyd September 2015-kii waxa ayna xilligaas ku badiyeen 4/1

* Celta Vigo ayaa sedexdii kulan ee ugu dambeysay ee horyaalka waxa ay yihiin bilaa guul darro , laba guul iyo hal bar bar dhac ah ayay wataan halka ka hor ay qasaareen sedex kullan oo isku xigay oo horyaalka ah .

* Barcelona waa ay badiyeen 6-dii kulan ee ugu dambeeyay La Ligaha ee ay banaanka garoonkooda ku soo ciyaareen .

* Luiz Suarez ayaa ka qeyb qaatay 5 gool oo ay kooxdiisa ka dhaliyeen Celta Figo kulankii ugu dambeeyay , sedex ayuu dhaliyay halka labana uu smaeeyay