Animation

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Leh Ee Kooxaha Arsenal Vs Hull City (Maxaa Kulankan Laga Soo Calaamadiyey??)

no responses
Saturday September 17, 2016 - 6:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kooxda reer London ee Arsenal ayaa kulan wareegga 5-aad ee horyaalka Ingiriiska ah waxa ay la soo ciyaarayaan kooxda Hull City.

Giroud iyo Walcott ayaa u baahan in si wacan loo eego diyaar ahaanshahooda ka hor kulankaas halka goolhaye Petr Cech uu kooxda ku soo laabanayo ka dib markii laga tagay kulankii Champipn-ka ee PSG.

Aaron Ramsey, Gabriel, Per Mertesacker iyo Danny Welbeck ayaa kooxda uga maqan dhaawacyo

Xogta Kulanka Labadan Kooxood:-

  •  Labadaan koox ayaa sedexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay isku arkayay FA Cup-ka waxaana sedexdaas jeer badisay Arsenal waxaana ku jira finalkii koobkaas ee sanadkii 2014-kii.
  • Hull City ayaa kaliya hal dhibic oo horyaalka ah heshay ka dib 7 kulan oo ay Arsenal kaga hor tageen tan iyo markii ay garaaceen bishii Septmebr ee sanadkii 2008-dii.
  •  Arsenal ayaa haddii ay badiyaan kulankaan waxa ay noqonayaan kooxdii ugu horeeysay oo 6 kulan oo horyaalka ah Hull City ku garaacda garoonkeeda KCOM Stadium.
  •  Kooxda Arsenal ayaan bilaa guul darro ah 25 kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka ee ay ka hor tageen koox xilli ciyaareedkaas ku cusub horyaalka tan iyo guul daraddii QPR ee March sanadkii 2012-ka , waxa ay badiyeen 21 jeer halka ay bar bar dhac galeen 4 jeer.
  • Weerayahanka Arsenal ee Alexis Sanchez ayaa kooxdaas Hull Cuity waxa uu ku leeyahay afar gool dhamaan tartamada uu uga hor tagay.