Animation

FALANQEYNTA Kulanka XIisaha Leh Ee Hull City Vs Chelsea (Maxay Saxaafadu Kulankan Ka Tiri????)

no responses
Saturday October 1, 2016 - 6:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

MAXAAA CUSUB?

Ahmed Elmohamady ayaa ganaax hal kulan ah ku maqan ka dib markii uu casaan ku qaatay kubadd uu gacanta ku qabsaday todobaadkii hore kulaankii guuldarada 5-1 ah ay kala kulmeen kooxda Liverpool, halka David Meyler oo maqan booskiisa uu ka ciyaari doono James Weir.

Weeraryahanada Will Keane, Dieumerci Mbokani iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Markus Henriksen ayaa dhamaan sugaya in ay kusoo bilaawdaan kulankaan.

Daafaca Kurt Zouma oo dhaawac jilibka ah qaba ayaa muddada-dheer garoomada ka maqan, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee John Obi Mikel dhibaato yar oo muruqa ah uu qabo sida uu sheegay macalin Conte.

XAQIIQADA

Hull weligeed kama aysan adkaan kooxda Chelsea Premier League, iyadoo laga badiyay lix halka laba kale barbaro ay galeeen.

Diego Costa iyo Eden Hazard ayaa dhaliyay laba kulan oo isku xogta Premier League goolaal marka ay wajahayeen kooxda Hull xilli 2014/15.

shan ka mid ah toddobada gool ee ugu dambeeyay Premier League Chelsea ay ka dhalisaa Tigers waxaa dhaliyay ama caawiyay Costa iyo Hazard.

Casaankii kulankii Li verpool loo tagay Elmohamady ayaa ka dhigan inuu ka maqnna doono markii ugu horeysay kooxda Hull Horyaalka (38 kulan kadib.)

Hull ayaa laga dhaliyay 40 shouut bartilmaameed ah oo lagu tuuray xilli ciyaareedkan, waana in ka badan kooxaha kale ee Premier League.

Haddii Chelsea laga badiyo kulankaan wuxuu qasaarayaa Antonio Conte in kabadan kulamadii la garaacay macalin Guus Hiddink xilli ciyaareedkii hore.