Animation

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Leh Ee Dinamo Zagreb Vs Juventus (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

no responses
Tuesday September 27, 2016 - 5:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kooxda Dinamo Zagreb  ayaa soo dhoweeyndoonta Juventus kulankeeda labaad ee Group H tartanka Champions League.

Dinamo Zagreb ayaa kulankeeda koowaad waxaa ay guuldaro kala soo kulantay Lyon ciyaar la dhacday France waxaana looga adkaaday 3-0, waxaana hada ay fadhiyaan meesha ugu hooseeysa ee Group H,waxaana ugu yaraan haddii aan ka badin Juventus ay ka doonayaan inay helaan bar bar dhac.

Juventus xilli ciyaareedkaan waxaa ay ku bilaabatay si wanaagsan kulamada ay ciyaartay horyaalka,laakiin kulankeeda koowaad ee Champions Leagye ayaa ku dhamaaday bar bar dhac.

Labadaan kooxood ayaa waxaa ay doonayaan inay wada badiyaan ama ay raadinayaan guushooda ugu horeeysa ee Champions League.

Xaqiiqooyinka Kulanka.

Kooxda Juventus ayaan si wanaagsan ku bilwoday dhamaan kulamadii ay dheeshay xilli ciyaareedkaan waxaa ay badisay shan kamid ah kulamadaasi, balse waxaa ay guuldaro kala kulantay kooxda Inter Milan.

Waa markii ugu horeeysey ee ay ku kulmaan Champions Leagye labadaan kooxood.

Juventus ayaa badisay shantii kulan ee ugu dambeeysey ay dheeshay waxaa ay bar bar gashay sidoo kale seddex  kulan , halka laga adkaaday hal jeer.

Zagreb ayaa laga adkaaday seddex kamid ah shantii kulan ee ugu dambeeysey ay dheeleen, waxaana ay badiyeen laba kamid ah kulamadaasi, sidoo kale gool ma dhalin laba kamid ah kulamada laga adkaaday.

Dynamo Zagreb ayaa laga adkaaday seddex kulan oo xiriir ah dhamaan tartamada oo dhan,waxaana ay bar bar dhac wada galeen laba kamid ah kulamadaasi , xilli ciyaareedkaan oo dhan waxaa ay badiyeen 13 kulan.

Sidoo Kale Group-kaan Waxaa Wada Ciyaardoonaan Kooxaha Kala Ah Sevilla vs Lyon, Waana 9:45.