Animation

FALANQEYNTA Kulanka XIisaha Leh Ee Barcelona Vs Leganes (Maxay Saxafadu Kulankan Ka Tiri???)

no responses
Saturday September 17, 2016 - 6:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Barcelona ayaa caawa kulan sahal ah waxa ay la leeyihiin kooxda Leganes oo ku cusub xilli ciyaareedkaan horyaalka Spain waxa ayna ku kulmayaan markii ugu horeysay taariikhda kooxdaas

Xogta Kulanka

* Kooxda Leganes ayaa kulankoodii ugu horeeyay ka dib 88 sano taariikhdooda waxa ay la ciyaaryaan kooxda Barcelona

* Barcelona ayaa badisay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha ka dhisan caasimada Madrid iydoo markii ugu dambeysay ee ay ku fashilmeen in ay ka badiyaan koox caasimadda ka socota aheyd sanadkii 2014-ka xilligaas oo bar bar dhac bilaa goolal ah ay la galeen kooxda Catefa

* Barcelona sanadkaan 2016-ka waxa ay guul dareysteen 4 kulan oo La Ligaha ah waana isla tiradii ay qabileen guud ahaan sanadkii 2015-ka

* Messi ayaa booqday shabaqa 33 koox oo oo qeyb ka ah 37 koox oo uu ku wajahay horyaalka Spain iyadoo uu ka dhaliyay 314 gool illaa haatan