Animation

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasadaba LEh Ee Real Madrid Vs Dortmund (Maxaa Kulankan Laga Yiri???)

no responses
Tuesday September 27, 2016 - 5:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kooxda Borussia Dortmund ayaa dooneysa inay sii wadato rikoorkeeda guuldaro la’aanta ee garoonkeeda marka ay Real Madrid kula ciyaarayaan Champions League.

Kooxda ka dheesha horyaalka Bundesliga ayaa ku bilaabatay si wanaagsan horyaalka Germany , waxaana kooxda ay dhalisay goolal ka badan kooxaha kale tan iyo markii uu bilowday horyaalka Bundesliga.

Dhanka kale kooxda daafacaneysa Champions League ayaa kulankeeda koowaad ku bilaabatay kooxda reer Portugla ee Sporting Lispon waxaana ay heleen natiijo soo daahday kadib markii ay shan daqiiqo ku dhaliyeen laba gool.

UEFA Champions League – Group F.

Taariikhda: Tuesday, 27th September, 2016.

Saacada: 9:45 Caawa.

Garoonka: Signal Iduna Park, Dortmund.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood Ka Hor Kulanka.

Real Madrid ayaa heeysata rikoor wanaagsan marka ay wajeheeyso kooxda Dortmund  waxaana ay badisay Real Madrid afar jeer, seddex bar bar dhac iyo seddex guuldaro 10-kii kulan ee Champions Leagye ay la dheeshay kooxda Dortmund.

Kooxda Broussia Dortmund  ayaan laga adkaan shan kulan oo ay garoonkeeda ku dheeshay marka ay wajeheeyso kooxda Real Madrid, seddex waa laga adkaaday , labana bar bar dhac.

Markii ugu dambeeysey ay kulmaan waxaa ay ahayd 2013/14 ,waxaana ay ku kulmeen Quater Finala-ha Champions League, waxaana kulanka cel celis ahaa 3-2 kusoo baxday Real Madrid.

Markii ugu dambeeysey Real Madrid Champions League ay ku wajahdo koox ka dhisan Germany waxaa ay ahayd Wolfsburg ,waxaana markale si awood leh kusoo baxday kooxda Real Madrid kadib markii ay kasoo laabteen laba gool oo lagaga soo dhaliyey Germany.

Sidoo Kale Waxaa Kulan Ka Tirsan Group-kaan Wada Ciyaaridoonaan Kooxaha Kala Ah Sporting CP & Legia Warszawa.