Animation

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada LEh Ee Kooxaha Tottenham Vs Manchester City (Maxay Saxafadu Kulankan Ka Tiri???)

no responses
Sunday October 2, 2016 - 6:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Eric Dier, Mousa Dembele and Danny Rose ayaa kusoo dhowaanaya inay dib ugu soo laabtaan kooxda Tottenham kulanka xiisaha badan ee ay la ciyaari doonaan kooxda Man City.

Moussa Sissoko oo isbuucii hore dhaawac ku maqnaa ayaa kulankaan kasoo muuqan doona, laakiin Harry Kane ayaa weli sii maqnaan doona.

Daafaca Man City John Stones ayaa laga yaabaa in dib loogu waco ka dib markii uu kursiga kaydka ku qaatay kulankii Champions League arbacadii ee Celtic.

Kevin de Bruyne, Vincent Kompany and Fabian Delph ayaa dhamaantood kulankaan dhaawac ku maqnaan doona.

Xogta Kulanka,

*Tottenham ayaa badisay labadii kulan ee Premier League ee ay xilli ciyaareedkii hore la qaateen Man City.

*Laakiin deriska Arsenal ayaa keliya labadaas guul ee sanadkii hore sideed guuldaro kala kulmay City 9 kulan oo isku xigtay.

*Labadaan Kooxood ayaa iska dhaliyey 22 gool keliya shantii kulan ee ugu dambeeyey ee Premier League.

*Spurs ayaa guulaysatay 22 ka mid ah 38-dii kulan ee ugu dambeeyey Premier League.

*Indho yar Son Heung-min ayaa Tottenham u dhaliyey shan gool shantii kulan ee ugu dambeeyey.

*Man City ayaa rikoor 100% ku socota horyaalka, welina xataa hal dhibic xataa iskama lumin.