Animation

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Juventus Vs Inter Milan (Maxay Saxaafadu Kulankan Ka Tiri???)

no responses
Sunday September 18, 2016 - 6:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Inkasta oo ay adag tahay in laga hordhaco ahamiday kulanka weyn ee kooxaha Juventus iyo Inter Milan, muran kama jiro in kulankaa uu u dhaxeeyo laba koox oo xafiiltan gaar ah uu u dhaxeeyo,iyadoo ndareen cajiib ah ay wadato markasta ciyaartaan.

Kulamada u dhaxeeya Inter Milan iyo Juventus ayaa waxa inta badan ka dhaca dagaal ciyaartooyda iyo taageerayaasha labada dhinac ah, waana sababta uu u yahay kulanka ugu adag ee Horyaalkan laga dheelo.

Waa Loo yaqaanaa ciyaartaan Derby d’Italia, taariikh ahaan waxay muhiimad weyn u leedahay tartan Horyaalka iyo koobabka waa weyn ee dalka Talyaaniga.

Inkastoo dhawaanahaan Juventus iska heysatay Horyaalka Serie A, oo ay ku guuleystay shan horyaal oo isku xigta, hadana markasta way filata kulamo adag.

Bianconeri ayaa kasoo muuqan doonaa kulankii ugu horeeyay ee Derby d’Italia, iyaga oo aan wadan ciyaaryahankooda khadka dhexe ee Paul Pogba kaasoo ku biiray Man United.

Lakiin Derby d’Italia, waxaa kasoo muuqan doona Gonzalo Higuain oo markii ugu horeysay line -up-ka loogu yeeray, kadib markii sadexdii kulan eee hore uu ahaa bedel.

WARBIXINTA CIYAARTA

Ka dib markii Roberto Mancini markiisii labaad uu la wareegay Inter shaqada aya laga ceyriyay iyadoo De Boer koo caadis uu heysto hadda uu hogaaminayo Inter oo wajaheysa kooxda Juventus.

Dabcan, shaqada talyaaniga ayaa umuuqata mid ku adkaatay macalinka reer De Boer, kaasoo wali sugaya guushii ugu horeysay.

ciyaartoyda kale ah Paulo Dybala, iyo Mario Lemina ayaa diyaar u ah kulankaan, Dani Alves iyo Mehdi Benatia ayaa sidookale safan kara ciyaartaan markii ugu horeysay kulanka Bianconeri ay wajaheyso Inter.