Animation

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Atletico Madrid Vs Bayern Munich (Maxaa Kulankan Laga Soo Calaamadiyey????)

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 5:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kulankaan ayaa ah kulan kale ee aad u xiiso badan oo ay isku dagaalidoonaan Macalimiintii kusoo dagaalami jireen Derby Madrid waana Simeon iyo Macalin Carlo Ancelotti.

Bayern Munich iyo kooxda Atletico Madrid ayaa caawa ku kulamayaan Champions League waxaana uu noqondoonaan kulanka kaliya ee indhaha lala raacidoono.

Waxyaabaha Aad U Baahantahay Ka Hor Ciyaartaan.

Kulankaan ayaa ah sida ku celiska kulankii Semi Finalka xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay markaas oo kooxda Atletico Madrid u gudubtay Final-ka Champions League.

Atletico Madrid ayaa afar kulan la ciyaartay kooxda Bayern Munich tartamada yurub hadana ma dhicin inay ka dhaliso wax ka badan hal gool.

Atletico Madrid ayaa hada laga adkaaday laba jeer oo kamid ah 19-kii kulan ee Champions League ay ciyaareen heerka guruubyada , waxaa ay badiyeen 14 kulan , halka ay bar bar dhac galeen seddex kulan.

Diego Simeone kooxdiisa ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay 10 kamid ah 12kii kulan ee ugu dambeeysee ay ciyaartay heerka guruubyda ,waxaa kaliya laga dhaliyey seddex gool.

Atletico Madrid ayaa kaliya shabaqeeda ilaashatay hal jeer oo kamid ah 17 kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaartay, 13 kulan waa ay badisay , seddexna bareejo.

Bayern Munich ayaa badisay 19 kamid ah 23 kulan oo ay ciyaarta heerka guruubyada tartanka Champions League ,waxaana laga adkaaday seddex kulan , halka ay bar bar dhac gashay hal kulan.

Kooxda Bayern Munich ayaa kulankaan ciyaaridoonta iyadoo seddex guuldaro oo xiriir ah ay horey uga lasoo kulantay kooxaha ka dhisan Spain.

Xilli ciyaareedkaan waa xilli ciyaareedkii 19aad ee kooxda Bayern Munich kasoo qeeyb gasho tartanka Champions League , marka la fiiriyo 20kii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay waxaa ay kaliya ka maqnaayeen xilli ciyaareedkii 2007/08.

Antonio Griezmann ayaa dhaliyey afar gool shantii kulan ee uu ku ciyaaray garoonkiisa tartanka Champions league.

Thomas Muller ayaa dhaliyey 16 gool 19 kualn ee ugu dambeeysey ee uu kusoo bilowday Champions Leaue