Animation

Falanqeyn xasaasi ah: Maxaa laga filan karaa Doorashada Madaxweynaha Muxuuse yahay guuxa ugu hadal heynta badan ee hada taagan?+Sawirro

no responses
Monday February 6, 2017 - 4:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Mudo dharar iyo sugitaan badan ka dib maalin qura ayaa ka harsan in dalka soomaliya uu yeesho hogaan cusub afarta sano ee soo socota.

Doorashada Madaxweynaha oo ah mid aad loo wada sugaayay marar badana baaqasho ku timid ayaa waxaa hada kama dambeysa loo qorsheeyay in ay dhacdo 8-da bishaan oo ay ka harsantahay halmaan oo kaliya waxaana ay ku beegantahay maalinta arbacada.

Doorashada waxa ay ka dhici doonta xarunta ciidanka cirka ee Afisyooni magaalada muqdisho waana xarun aad loo adkeeyay ammaankeeda.

Ammaanka muqdisho sidoo kale aad baa loo adkeeyay waxaana laga bilaabo cawada muqdisho ay gali doontaa bandoow socon doona mudo 2 maalmood.

Waxyaabaha doorashadaan ku cusub waxaa kamid ah in Ammaanka caasimadda uu wal walxoogan ka jiro jidadka magaaladana la dhigay cara tuur iyo dhagxaan waaweyn oo kusoo xasuusinaya maalmihii dagaalada xamar ay ka socdeen oo xaafad kasto ay dhufeys u aheyd maleeshiyo hubeysan.

Doorashadii 2012-kii oo dalka uu sidaan ka liitay amaanka markii laga hadlo maleeshiyada alsahababa ay dalka ku xooganaay ma jirin qal qal xoogan oo xiligaasi doorashada laga qabay waxaana dadku ay aad ula yaabanyihiin in maanta oo dalka ay gacanta ku heyso dowlada hadana baqdinta intaa la eg ay caasimadda maanta ka jirto.

Laba maalin oo bandoow ah ayaa lagu soo rogay magaalada muqdisho waxaana dadka horay loo ogeysiiyay in ay u diyaar garoobaan bandowgaas oo socon doona ilaa ay ka dhamaato doorashada madaxweynaha.

Shacabka muqdisho waxa ay maanta ay soo adeegteen adeeg ku filan labada maalin ee soo socota markaad suuqyada xamar aad tagdo waxaadba moodaa maalmihii dadka ay isku diyaarin jireen Ramadaanka.

Beesha caalamka ayaa il gaar ah ku heysa sida ay u socoto u diyaar garowga doorashada madaxweynaha .

Masuuliyiinta maamul goboleed-yada ayaa muqdisho soo gaaraya maanta ilaa beri oo talaado ah si ay uga qeyb galaan doorashada sidoo kale xubno beesha caalamka ah ayaa doorashada indha indheeyn doona.

Musharixiinta waxa ay ku jiraan maalmaha ugu dambeeya ee ol-lahadooda doorashada waxaana si aad ah looga dareemaya magaalada muqdisho.

Dadka ku nool dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ayaa aad u hadal haaya doorashada 8 bisha ka dhaceysa xamar iyo natiijada laga filan karo in ay ka soo baxdo.

Halkaan ka daawo Sawirrada