Animation

Fah Faahin:- Maxaa Kalasocota Israsaasay Kadhacday Magaalada Gaalkcyo& Tirada dhimashadda

no responses
Saturday November 14, 2015 - 11:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

C/rishiid Xasan Gabi gabi Taliye ku xigeenka qeybta ee Gobolka Muduga yaa faah faahiyay shaqaaqad saaka ka dhacday magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka .

Taliyaha oo saxaafadda ugu qabtay kulan saxaafadeed xafiiskiisa magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dhacdada shaqaaqada ah ee dhacday ay ka dambeysay markii koox sheeganeysay xarun wasaaradeed oo ka mid ahaa xarumihii dowladii hore islamarkaana mudooyinkii dambe la wareejinayay ay weerar ku qaadeen ciidan halkaas joogay .

Waxa uu sheegay in rasaastii la is weydaarsaday ay dhalisay khasaare dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah islamarkaana dhankooda ay dhaawacan yihiin askar 3 ah.

Goobtii ay shaqaaqadu ka dhacday oo aheyd goob geerish gaadiidka lagu xereeyo ah ayaa haatan waxaa gacanta ku haya ciidanka Amniga magaalada Gaalkacyo ee Puntland, waxaana ay xaaladu tahay mid degen oo aan dareen laheyn.

Saraakiisha isbitalka ee magaalada Gaalkacyo ayaa dhankooda sheegay in la soo gaarsiiyay dhaawacyo dhan 11 iyo laba qof oo dhimasho ah.

Facebook Comments