Animation

Fah Faahin:- Dheeri ah Cabdi Siciid Dheere oo loo doortay Duqa Cusub ee Degmada Qardho Sawiro

no responses
Thursday September 24, 2015 - 5:08 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Cabdi Siciid Dheere oo xilal horay uga soo qabtay shirkadaha Baasawayn ee biyaha iyo Shirkada korontada ee Eeneeye ayaa saaka loo doortay gudoomiya degmada Qardho 5 sano ee soo socta.

doorasho cod bixin qarsoodi ah oo saaka ka dhacday hoolka Beeyada ee degmada Qardho ayaa ahayd mid ay ku tartamayaan laba Musharax oo kala ah Cabdi Siciid Dheere iyo Faarax C.llaahi Cumar ayaado labada musharax ay galeen hal wareeg oo doorasho ah ayaa waxa Cabdi Siciid uu helay 20 cod halka Faarax uu helay 9 cod guud ahaan tirada xildhibaanada codaysay ayaa ahaa 29 xildhibaan majirin xubin maqnayd.

Gudoomiye kuxigeenka Degmada ayaa sidoo kale waxaa u tartamayay labada musharax ee kala ah Eng. C.rizaaq Cumar Faarax iyo Maxamuud Ismaaciil labada musharax ayaana kala helay:

C.rizaaq Cumar Faarx 18 cod

Maxamuud Ismaaciil 9 cod

Musharixiinta laga guulaystay ayaa hambalyo u diray dhigooda ay la tartamayeen aygoo balan qaaday inay la shaqayn doonaan masuuliyiinta cusub ee loo doortay Degmada Qardho.

Guud ahaan doorashada maanta ka dhacday degmada Qardho ayaa ahayd mid mudooyinkan laga hadal hayay magaalada goobta doorashada ayaana waxaa goob joog ahaa dadwayne aad u farabadan oo isugu jira dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.DSC08914-740x555 DSC08941-740x555 DSC08951-740x555 DSC08957-740x555 DSC08957-740x555-1 DSC08969-740x555

Facebook Comments