Animation

FADEEXAD : Xuseen Iidow, Ma Wasiir baa Mise waa Ciyaal Shiisho? Galmudug Maxay kala socotaa

no responses
Monday October 3, 2016 - 6:28 under Breaking News by admin
mqdefault

Wiil yar oo lagu magacaabo Xuseen Iidow, oo sida la sheegay ku magacaaban wasiiru dowladaha madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu arkay isaga oo dhex dabaalanaya meelo aan qof wasiir sheegayana ku habbooneyn.

Waxaa uu habeen iyo maalin fadhiyaa goobaha shiishada lagu cabo, waxaana uu meelahaasi uga sheegeeyaa sirta shaqada ee madaxtooyada, taasi oo caqabad weyn ku ah kalsoonida lagu qabi karo madaxtooyada Galmudug.

“Laba cilad ayuu leeyahay wiilkan, waa isaga oo shiishad iyo isku dirka qabiilada wada dhistay Galmudug, taasi oo haddii aan wax laga qaban caqabad weyn  ku noqon doonta xasiloonida deegaanada Galmudug” ayuu yiri xubin ka tirsan howlwadeenada madaxtooyada Galmudug, oo ka gaabsaday in magaciisa la qaato.

Xuseen Iidow, waxaa uu ka dhashay reer aan waxba heysan, waxaana uu noloshiisa inta badan kusoo qaatay dhibaato nololeed oo ciriiri ah, taasi ku keentay inuusan yeelan dhaqan suuban oo uu uga dhex shaqeeyo madaxtooyada Galmudug.

Mas’uuliyad xumadiisa waxaa qeyb ka ah in madaxtooyada Galmudug tahay mid aan laheyn goob lagu nasto  iyo biyo la siiyo dadka u yimaada shaqooyinka madaxtooyada soo galay,waana waxa aasaaska u ah bilicda madaxtooyo dhan, balse isaga taasi ma dhibto oo wixio loogu talagalay jeebka ayuu ku shubtay.

Wasiirka shiishada Galmudug

Wasiirka shiishada Galmudug

 

“Madaxweyne Abdikariim iyo Madaxweyne kuxigeen Maxamed Xaashi Abdi waxaa la qaatay inay wasiirka shiishada iyo isku dirka beelaha wada dhashay ka dhigaan wiilkaasi yar, halkii ay madaxtooyada magaca ka dili lahaayeen” ayuu yiri Nabadoon Ali Nuur Farah oo kismaayi24.com la hadlay.

FIIRO GAAR AH: Waxaa soo wadnaa codad iyo muuqaalo  laga duubay isaga oo ka hadlaya isku dirka beelaha CELI IYO REER SIYAAD XUSEEN, isagoona sheegay inay howshaasi la wadaan madax kale oo Galmudug ah.

Waxaana uu uga hadlayaa ergooyinka codka leh iyo kuwa aan laheyn. Taasi oo toosh ku ifineyso duulaanka beesha Celi uga imaanaya Galmudug.

Madaxda kale ee la wadana waa la shaacin doonaa magacyadooda. Si berri wixii arrintaasi ka dhasha ay mas’uuliyadeeda u qaadaan.